Xoghayaha Arimaha Dibada Dalka Mareykanka John Kerry oo Maanta Soo Gaarey Magalada Muqdisho

0
30

john-kerryWaxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho soo gaaray Xoghayaha Arimaha Dibada dalka Mareykanka John Kerry oo la filaayay inuu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sugan yahay John Kerry, iyadoo madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxweynaha ay joogaan Garoonka Muqdisho.

Wararka waxa ay sheegayaan in Madaxda Dowladda iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka kulanka ay la qaadan dooanaan John Kerry uu ku saabsan yahay arimaha Hiigsiga cusub ee Soomaaliya iyo Ammaanka.

Ammaanka Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la hakiyay duulimaadyadii imaan jiray Magaalada Muqdisho.