Daawo Sawirada Wasiirka Howlada Guud iyo Dib U Dhiska Dowlada Federalka Somaliya oo Kulan Kaga Qeyb galey Dalka Turkiga

0
31

ing salaxWasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska dowlada federalka somaliya Eng: Saalax Sheekh Cismaan ayaa dalka Turiga uga qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay diiwaan gelinta, cabirka iyo sahaminta dhulka.

Eng. Saalax ayaa sheegay in baahi weyn loo qabo diiwaan gelinta arimaha dhulka Soomaaliya laga sameeyo,waxaana Shirka uu socday mudo afar maalmood ayaa ugu danbeyn maanta lagu soo gabagabeeyay dalkaasi.

Wasiir Saalax Sheekh ayaa sheegey in wasaaradiisa ay u sameyneyso hey’ad u gaar ah sharciyeynta iyo sahaminta dhulka iyadoo la diiwan gelindoono dhul kasta noocuu doono ha ahaadee, wasiirka ayaa sidoo kale sheegey in dhulka ay dowlada leedahay sharcigii lagu maamuli lahaana ay u sameyneyso.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegey in ay wax badan faa’ideysteen shirkan ayaguna u faa ideeyey wafuudii kale ee ka soo qeyb gashey shirka.

ing salax1

ing salax2

ing salax3

ing salax4

ing salax