Qadka Isgaarsiinta ee Degmada Cadaado oo hawada laga Saarey

0
33

telWararka inaga soo gaaraya degmada cadaado ee gobolka galgaduud ayaa sheegaya in hawada laga saaray isgaarsiintii illaa hadda la ogeyn sababihii keenay.

Waxay kaloo wararku sheegayaan in jarista isgaarsiinta degmadaas ay saameyn ku yeelatay shacabka degmadaas iyo kuwa ka ag-dhow, waxaana sida la ogyahay ku sugan Cadaado madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareegyo ku sugan degmadaas ayaa laga soo xigtay in sabababaha hawada looga saaray isgaarsiinta ay tahay arrimo amni, iyadoo lagu wado in maanta uu ka furmo degmadaas shirka lagu dhisayo maamulka gobollada dhexe.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ammaanka Cadaado si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidammo Soomaali ah iyo kuwa AMISOM ay iska-kaashanayaan sugidda amniga halka uu shirku ka dhacayo.