Maamulka Gobolka Banaadir oo Ka Jawaabey Eedeyn kaga Timid Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobey

0
34

banadirWar-Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan maxamed Xuseen Mungaab ayaa looga jawaabay eedeyn Maamulka uga timid Hey’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka jawaabayaa Warbixinta labada Biloodlaha ah oo ay saa saartay Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada oo ku saabsaneyd Barakacayaasha magaalada Muqdisho.

Warbixintaas ayaa lagu sheegay in tiro lagu qiyaasay 28,500 { Sideed iyo labaatan Kun iyo Shan Boqol} oo Barakacayaal ah si qasab ah loogu saaray Goobo ay kaga sugnaayeen Magaalada Muqdisho labadii Bilood ee ugu horeysay sanadkaan 2015.

1:- Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu cadeynayaa in aysan jirin Barakacayaal ku nool Magaalada Muqdisho oo si qasab ah loogu saaray guryahooda. sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir uma qorsheysna in uu haatan si qasab ah ugu saaro Barakacayaashi goobaha ay Magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin.

2:- Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu cadeynayaa in aysan jirin Warbixintaasi ay soo saartay hay’ada qaxootiga ee Qarmada Midoobay ee ku aadan in Maamulka Gobolka Banaadir uu qorsheynayo in uu guryahooda qasab ugu saaro Barakacaal ku nool Magaalada Muqdisho.

3:- Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu diyaar u yahay in uu u fududeeyo Barakacayaasha ku nool Magaalada Muqdisho wixii tasilaad ah oo ay ugu baahdaa Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay sugiyaan amnigooda mar welibo.

4:- maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ugu baaqayaa Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay in ay ka fiirsato ilaha ay wararka ka soo qaadaneyso, isla markaana ay ka dhowrsato Faafinta Warar aan la hubin ama aan cadeyn.

5:- Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu soo dhaweynayaa Xiriir xogwadaaga iyo wada shaqeynta Hay’ada qaxootiga ee Qaramada midoobay, sidoo kale Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu diyaar u yahay Xoojinta Xiriirka Wada shaqeyn.