Dowlada Kenya oo Maanta Xayiraad Kusoo Rogtey 8 Xawaaladood oo Ka Howl Gala Kenya

0
24

xawaaladDowlada Kenya ayaa xayiraad kusoo rogtay 13 xawaaladood iyo xisaabaadyad 86-ruux oo looga shakisan yahay inay maalgeliyaan Xarakada Al-shabaab ee Somalia, waxaana tallaabadan lagu sheegay inay tahay mid looga jawaabayo weerarkii Gaarisa.

Wasiiro ka tirsan dowladda Kenya oo qaabilsan arrimaha la dagaalanka argagixisada ayaa shir ay shalay ku yeesheen Nairobi waxay amar ku bixiyeen in la xayiro xisaabaadyada xawaaladaha iyo shaqsiyaad magac ku leh Kenya oo ay ku jiraan mashaai’kh caan ah.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Nkaissery ayaa ku tilmaamay xayiraadda la saaray shaqsiyaadka iyo xawaaladaha inay yihiin kuwo taageera Al-shabaab, inkastoo aan magacyadooda la shaacin.

Wararka ayaa sheegaya in liiska dadka ay ku jiraan culummo magac ku leh Soomaaliya iyo xawaalado caan ah, waxayna arrintani ay saameyn xooggan ku yeelaneysaa dadka Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool, kuwaasoo lacago dibadda looga soo diro.