Suuq ku Dhow Kontorolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye oo Dab Qabsadey

0
40

afgooyeWarar inaga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta uu dad qabsadey suuq ku yaala degmada afgooye ee gobolka shabeelaha hoose waxaana la sheegey in dabka uu ka dhashey koronto.

Halka uu dabka ka dhacay ayaa ku dhow agagaarka kontorolka baar isnaaciil ayadoo lagu waramayo in uu burburiyey dukaamo badan oo halkaasi ku yaaley.

Mid ka mid ah dadki halkaasi ku sugnaa oo la hadley warbaahinta ayaa sheegey in dabku ilaa iyo hada socdo isla markaana shacabka ay isku dayayaan sidii ay u demin lahaan dabkaas.

Si kastaba arintu ha ahaatee degmada afgooye ayaa ah degmadii ugu horeysey ee laga xoreeyo xoogaga alshabab ilaa iyo hadana weli lama geyn gawaarida dab damiska ah taasoo sii badaneysa qasaaraha uu geysanayo dabka.