Xildhibaan Xuseen Bantu oo caawa geeriyooday.

1
29

bantuALLAH ha u naxariistee waxaa caawa 1:30Pm waqtiga geeska Afrika ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaala Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse (Xuseen Baantuu) oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya,

Sida ay inoo sheegeen Ahalada Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse (Xuseen Baantuu) ayaa waxa uu u geeriyooday Xanuunka Sokorowga(Macaanka) sidoo kale ayaa Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxana inoo xaqiijiyay.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse oo ay aad u yaqaanee bahda waxbarashada ayaa waxa uu kursiga xildhibaan-nimo uu ku fariistay markii ugu horeysay sanadkii 2000 dowladii Carta ee Jabuuti lagu soo yagleelay tan iyo waqtigaasna waxa uu ahaa xubin ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka isagoo kasoo galay gobolka Jubada Hoose sidoo kale ayuu horayna u soo qabtay xil Wasiirnimo waxaana aad loogu xasuusan doonaa hadaladiisii cad cadaa ee uu kala hor imaanjiray shaqsiyaadka ummadda Soomaaliyeed nabada u diiday.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse oo dhashay 1950kii ayaa waxa uu maanta Ifka kaga tagay 21 ruux oo isugu jira waxa uu dhalay waxay sii dhaleen.

Anaguna hadaan nahay Bahda warbaahinta Daafeet.com iyo Wadajirradio Atlanta waxaan leenahay guud ahaan ummadda Soomaaliyeed samir iyo iimaan ALLAH haka siiyo qoyska iyo qaraabaduna samir khayrqaba Isaguna Janadii Firdowsa ALLAH hasiiyo,Aamiin.

1 COMMENT

  1. Inaa lilah wa inaa ileyhi raajicuun,samir iyo iimaan allah ha naga siiyo dhamaanteen iyo guud ahaan umadda somaaliyeed,siyaasiga xuseen mohamed muse”H.B”

Comments are closed.