Dhegeyso:- Ergadii Beesha SADE ee Gobolada Jubbooyinka oo ka baxdey shirkii Kismaayo ee Lagu xulayey Baarlamaanka (Dhageyso)

1
26

kismaayoWararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha SADE in ay Galabta isaga baxeen Shirkii ka soconayey maalmahan magaalada Kismaayo oo ay beelaha dega 3da Gobol ay ku xulanayeen Xubnaha uga mid noqonaya Baarlamaanka Cusub ee Jubboland.

Nabadoon:Daahir Aden Garey oo ah Afhayeenka guud Ergada Beesha SADE oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay sababta ay uga baxeen shirka in ay la xariirto cadaalad daro ,Awood maroogsi iyo musuq maasuq balaaran oo ka soconaya shirka ,iyadoo awooda xulista baarlamaanka cusubna ay la wareegeen dad laga soo abaabuley Beelo dega Maamulka K/Galbeed,waa siduu hadalka u dhigaye.

Nabadoon Daahir ayaa waxaa uu intaasi ku darey markii la dhameeyey Dooda Xulista Barlamaanka Jubba xubnahii kaga soo aadayey Gobolka Gedo,in la diidey 3 degmo oo ka tirsan Gobolka Gedo in xubnaha laga soo xulo,iyadoo sidoo kalena Beesha SADE loo diiday inay ka qeyb gasho xubnaha Gobolka J/hoose oo beeshu ay degto.

“dhamaan haddii aan nahay Gudigii qaabilsanaa la xisaabtanka Xulashada Baarlamaanka Jubboland waxaan ka baxney shirarkii soconayey,mana muuqato ifafaalo waayo meesha waxaa ka taagan sad bursi iyo is bahaysi qabyaaladeed,waayo Salagle waa degmo ayaa la yiri,Buurdhuubo,Ceel cade iyo Geedweyne ma ahan degmooyin ayaa la yiri ,arimahaasina ma aqbali doono ayuu yiri Nabadoon Daahir.

Ergadii Beesha SADE ee Gobolada Jubbooyinka oo ka baxdey shirkii Kismaayo ee Lagu xulayey Baarlamaanka

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

Ergadii Beesha SADE ee Gobolada Jubbooyinka oo ka baxdey shirkii Kismaayo ee Lagu xulayey Baarlamaanka

1 COMMENT

  1. Siyaasadda sida ay u fahmeen somalidu ma aha:fahamkooda wuxuu noqdey in ay ka been sheegaan xaqiiqada jirta,sed bursi,dhul boob,dil qorsheysan,kufsi,waan daadshey wax walba intaa iwm oo ay ku dhaqmaan siyaasiyiinta ma aha siyaasad lagu hegi karo dal burburey ”waa gumeysi aan geedna loogu soo gaban”siyaasadda waa midda wax toosisa,u horseeda umadda nabadgelyo,horumar,sinaan,cadaalad,barwaaqo iwm.war bal u fiirsada ma dhihi karnaa qofka maanta ku dooda majiraan 18 gobol iyo degmoyinkii la xiriirey ee ay ka tagtey dawladii militeriga wuxuu rabaa riigo kasta ee sadex aqal xoori ku taalo in lagu tilmaamo degmo ama gobol taa iyada ah hadii ay wax tareyso somaaliya dhibka iyo kadeedka ay ku jirto ayey ka bixi lahayd ,waxaan u arkaa cadaalad darii iyo sedbursigii laga soo bilaawey 1960 kii ilaa maanta aan hadlaayo 2april 2015 ka wax toosaa majiraan ilaa laga helo siyaasad dhab ah ee ka turjumeyso horumarka dalka iyo dadweynaha soomaaliyeed.

Comments are closed.