War Deg Deg Ah Alshabab oo Weerar Ku Qaadey Hotel Mak Al Mukarama

0
55

breaking nQarax is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhow ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo markaas kaddib ay xoog hubeysan gudaha u galeen hoteelka.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu yahay Noah, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah. iyadoo kooxo hubeysan ay gudaha u galeen hoteelka Qaraxa kaddib.

Sidoo kale, qaraxa ayaa khasaare xooggan u geystay dhismaha hoteelka iyo kuwa ku dhow, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan xooggan ee ismiidaaminta ah.

Rasaas goos-goos ah ayaa weli ka dhacaysa agagaarka hoteelka uu qaraxu ka dhacay halkaa oo ay xireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in xaaladdu ay cakiran tahay.