Madaxda sare ee Xukuumada oo Ka Tacsiyeyey Geeridii Alaha U Naxariistee Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari oo Ku Dhintey Weerarkii Hotel Maka Al Mukarama

0
29

yusuf baribariM.weynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya, R.wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid iyo Xubnaha Labada Gole ee dowladda ayaa umadda soomaaliyeed uga tacsiyeey Geeridii ku timid Wakiilka dowladda soomaaliya u fadhiya xarunta Xuquuqul Aadanaha Ee Geneve Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Weerarkii Al Shabab ka geysteen Hotelka Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale,mas’uuliyiin kale ayaa laga soo badbaadiyay gudaha Hotelka,kuwaasi oo ay jaran jaro ku soo badbaadiyeen Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Alaha u naxariistee Yuusuf Baribari ayaa ahaa Diblumaasi ka soo sheqeyay dalal badan oo caalamka.