Sanad Guuradii Koowaad ee Kasoo Wareegatey Dilkii Mujaahid Marxuum Xasan Adan Keerow

6
86

bay326-dii Maarso 2014 waxay aheyd maalintii Murugada laheyd ee la dilay Mujaahid, Muwaadin, Marxuum Xasan Aadan Keerow, lana dilay isagoo huwan Calanka Koonfur Galbeed Soomaaliya, bartamaha Magaalada Baydhaba. Dhacdadaasi waxay ku qoran tahay xusuus qorka dhamaan inta Damiirka leh ee ku taamaya in maalin uun Maxkamad lasoo taago kuwii ka danbeeyay Dilkaas.

Daafeet Media oo ah Warbaahin Xur ah, u Hadashana Dadka aan Codka laheyn waxay maanta oo taariikhdu tahay 26/03/2015 Xusaysaa Sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay dilkii Mujaahid Marxuum Xasan Aadan Keerow ee ku Nafwaayey Difaacii Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warbaahinta Daafeet Media waxay ku boorinaysaa dhamaan Warbaahinada gudaha iyo dibada iney faafiyaan Barnaamishyo loogu Hiilinaayo Cadaaladda iyo Xaq u Raadinta Muwaadin Marxuum Xasan Aadan Keerow ee ku Dhintay Gacan ka Xaq darneyd.

Waxaa Nasiib darro ah in ilaa hada waxba laga qaban Dilkii Marxuumka oo weliba Indhaha iyo Dhegaha laga xirtay Waalidkii dhalay. Waxaan Alle ka Baryaynaa inuu ka Abaal mariyo Kuwii ka danbeeyay iyo Kan sida Xaqdarada u Daadiyay Dhiigii Mujaahid Xasan Aadan Keerow.

Wakhtigani Tiiraanyada Badan ee la Xasuusanaayo lana Xusaayo Sanad Guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay  Toogashadii lagu dilay Halyeey Marxuum Xasan Aadan Keerow, waxay Warbaahinta Ishabaydhaba Tacsi u diraysaa Waalidkii, Qaraabadii, Eheladii iyo Ummada Soomaaliyeed inta Xaqa Jecel. Waxaana Alle uga baryaynaa in Marxuumka ka Waraabiyo Janadii Fardowsa, Waalidkii iyo Qaraabadiina Samir iyo Iimaan ka siiyo.

bay2

bay3

 

6 COMMENTS

  1. Allah ha uu naxaristo Samir iyo imaana ha ka siiyo walidintisa Marxuum Xasan Aadan Keerow wuxu naftisa ku waayeey asago cadald iyo gobanimo dadkisa iyo dhulkisa uu radinayo gacan ka gardaran ayana ka dambeysey dilkisa
    .Geeesiga dhulkiisa
    Guusha u horseedaa
    Geeridaa dishaaa
    Geedkaa haboo
    Gobananimo u ooyday
    Ilmo gabax ka siisay
    Hubka so gurteenow.
    Taladay ku gooyeen
    Ama geeri aaqriyo
    Ama guusha nolalayd
    Ciilkii gaboobiyo
    Ciilkii gaboobiyo
    Caradii u gaysoo

  2. Geesi hassan edin keerow,allah janadii haka waraabiyo taariikhda ayaa ku xuseyso,buugaagta ayaa ku qori ,waan hubaa in geeridaa ka dib in xoriyad ay helayaan qowmiyqda digilmirifle.ogaada dhalinyaroy”gowanimdu waa go’aa godka aakhiryo ciilka loo galaa”kaca shumaca uu shidey geesiga keerow yuu damin wey tegi doonaan gumeysi nicklas key iwm,dalka anagaa iska leh.

  3. Hassan Aadan Keerow,ilaahay ha u naxariisto, hase ahaatee, wixii shalay asaga loodilay meeshooda ayaa loogatagay, oo weliba ninkii shalay dilay ayaa maanta loo sacaba tumahaya, waa nasiibdaro,oo aad laga murugoodo, laakiin waxaan idin sheegahaya kuwa u daba rucleynaya kuwan maafiyada ah ee shariif kusheega hogaaminayo, ogaada in maalin la’dinla xisaabtami doona , Dhiiga Hasan Adan Keerow, ee dhaahirka ahaa sidaan kudhumimaayo ,inshaa’alah
    ا

  4. ilaaahey an nahariisa hasan edan keerow mayba haayey lan geesa eh oo an dhimadi xaqdorada laka haaya shacabka d i mirifle ee horwadeenka ku eyiin cadawga rer k/galbeed i shariif sharwade…inshallah xumaantas wal inisku dabakooya doonaa..

Comments are closed.