Sheeko Cusub:- Shariif Xasan oo Golahiisa Wasiirada Kusoo darey Beesha Majeerteen

14
248

ismaaciil-aadan-diiriyeMagaalada Baydhaba sidaad lawada socotaan waxaa ayaama dhoweyd kasoo go’dey Beer Wasiir ku dhowaad 70 wasiiro iyo inkale oo xiliyo dhow la magacaabi doono.

Hadaba Shariif Xasan oo Halbeeg ka dhigtey 9-kii Wasiir ee Hawiye iyo Ogaadeen horey uu u magacabay buuq badana ka dareemin ayaa kulankii isaga iyo Madaxweynaha Boobland Axmed Madoobe iyo Puntland C/weli Gaas ay kula kulmeen Xasan Garguurte Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulankaasi C/weli Gaas uu Shariif Xasan ku edeyey Qaybinta dhulka iyo Xukunka DigilMirifle maxaa ka qadiyey Beesha Majeerteen oo ah indhaha Soomaaliweyn sida aanu kasoo xiganay dadka aan kor u hadlin.

Xiligaasi Muqdisho la joogey oo ahayd 05 Feberayo sanadkani wuxuu Shariif Xasan C/weli u balan qaadey in Wasiirka Maaliyada isaga la shaqeyn doono uu ka dhigto midka uu u keeno, hadaba C/weli oo aad ugu xeel dheer habka Ilma Maxamuud wax u qaybsadaan waxaa uu shariif Xasan u soo Xuley Ismaaciil Aadan Diiriye oo Puntland ka ahaa Agaasimaha Hay’ada Daryeelka Bulshada xiligii C/raxmaan Faroole.

Hadaba isagoo kasoo jeeda Ciise Maxamuud-ka Garowe ayaa waxaa lagu qanciyey Xuquuq dadkoodu hurdayaan, Maadaama Cumar Maxamud uu madaxweyne Puntland yahay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiidna Cismaan maxamuudka yahay ayuu C/weli u soo xuley shaqsigii uu usoo buriyey Madaxweynihii hore ee C/raxmaan Faroole Ismaaciil Aadan Diiriye xiliguu Agasimaha ahaa.

225

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Maaliyada Maamulka Shariif Xasan Ismaciil Aadan Diiriye oo si weyn doodaha telefishinada uga muuqan jirey waxaa lagu xasuusta shaqsi aad u Neceb Qowmiyada DigilMirifle maanta xilkooda sida xaaraanta ah Shariif Xasan uu u siiyey.

Waxaa kaloo xusid mudan in mid ka mid ah Turjumaanada Nicholas Kay oo la yiraahdo Nuurdiin Aadan Diiriye ayaa isna dadka qaar ay qabaan inuu Nicholas Kay Sharif Xasan shaqsiga ka gadey uu isaga ahaa Walaalkiisa Ismaciilna Wasiir Mahadsanid ah loo siiyey.

Waxyaabaha aan kor kusoo xusney waxaa kaloo weheliya in Beesha Reer Aw-xasan ee Faraax Topaz Milkiilaha Dowlada Muqdisho kasoo jeeda oo aanayba jirin hal tuulo oo ay Koonfur Galbeed ka tirsan ay degan tahay Reer Aw-xasan ayaa Wasiirka Howlaha Guud ee maamulka Shariif Xasan ku jira waxaa kaloo Wasiir kuxigeenka Maaliyada laga dhigey Shiikhaal reer Beledweyne ah.

Hadaba Hadii Dhul Iyo Mas’uuliyad Umadi Leedahay Shaqsiyaad Lagu Qanciyo Tollow Maamulka Argoosigiisu Muuqda Intuu Jiri Doonaa.? Dadkii Dhulka Lahaana Goormey Dareemi Doonaan Hagardaamada Shalgooye Xasan Sheekh Aadan uu La Damacsan Yahay.?

129

 

14 COMMENTS

  1. WAR HABARGIDIR OO SHABEELADA HOOSE DEGANEYN OO GUMEEYSI KA WADA AA WASIIR LAGA SIIYEY EE MAXAA DIIDAAYA WIILKAAN OO HADAMAHA AH OO AABIHIIS ADAN DIIRIYE AY HADAME BARLAMAANKA SOMALIYA U DOORAAN JIREEN WAA CAADI HADDII XIL LAGU SIIYO BRASHADLEEY AHAAN
    FAMILGAAN WAAN AQAAN ISKA RAXANWEYN AY AHAAYEEN SIDA CISMAAN DIIRIYE OO QABAY EEDO FADUMO OO DHALAY MALAAQA LUWAAY.
    MARKA WAAN SOO DHOWEEYNAAYAA.

  2. Kan hada laga dhigey wasiiro dowlaha wasaarada maaliyada wxuu kadid ahaa ragii ugu cad cadaa ee Qowmiyada digil iyo mirifle kasoo raafey maamul gobaleed putland maantana dadkii uu soo raafey in uu dhulkooda madax kanoqdo waa inoo dule kii ugu darnaa abid ee soo mara digil iyo mirifle

  3. Nuunow marka maxaad leedahay ninkii 4 habeen ku howdo bay, bakool iyo shabeelaha hoose xaq ayuu u leeyahay inuu ka mid noqdo maamulka shariif sakiin?

    Mideeda kale maxaa diidey sida buraashdleey loogu soo dhaweeyey gobolka baay iyo bakool in loo soo dhaweeyo shacabka koonfur galbeed ee u qaxay nafna ka bidey iney ku noolaadaan puntland waa kuwa maalin kasta lagu dhibo xerooyinka qaxootida ay meelashaas ka ooteen.

  4. Maadeey, maya lakin ogoow bakool maxaa tiri way degaan. Marka mid iga tirsanaa oo meesha farac badan degen in wax lagu siiyo Yeed, Ceelberde waa iska caadi.
    Ee ka waran kan habargidir ee aan ku dhalan, aabihiis aan ku ee xoogga ku heeystay SH Hoose ee Wasiirka la siiyey.

  5. waa la yaabee ma runbaa digil iyo mirifle in eeysan aheeyn dad hal qoomiyad ah marunbaa in aan nahay dad eey sameeysteen hawiyaha iyo daaroodka , marunbaa in aan hundurno , marunbaa meeshee noola jjeediyo inaan haye dhahno, goormee ama waqtigee aan is ku tiirsa neynaa aan hurdadaan la sheego ka baxeynaa.

  6. waxan layaabanahay beenaalahaan warkaan qoray sheekhal qabiilka kaga badan oo k/ galbeed dego ii sheeg adiga qaxooti ka dhigaayo r awxasan loobage gendershe dhamaan way deganyihiin ced kaga badana majirto sh. hoose waxii ay xaqa u lahaayeena wali kama helin k/ galbed

  7. asc inteyba nuunow iyo wixii la mid ahba ay nagu jiraan jiritaanka dm halis buu jiraa markaad leedahay dadkaas waa is ka raxaweyn ogow raxaweyn kuma abtirsadaane i know them too wake up from your sleep my brother!!!

  8. Sheko Sheko Sheko Hariir waye Sharif Hassan waa nin riyo ku maqan Riyona Run noqonweydey Dhulka asaga iyo ninka Wasirka maliyada laga dhigey iyo kan Wasirka Arrimaha Dibada laga dhigey wey uu simanyihiin asagaba waa KOYTO dhulka waxba kuma laha Dadaki Dhulka lahayo Xurdada ka kaca wadankina iyo dadkina iyo sharaftina uu istaga . Puntland Iyo Galmud DIGIL/MIRIFLE badan ayaa degan kuna dhashtey ma Baralamanka ay ku jiran ?Maya ma WASIRO AYAA LOGA DORTEY MAMAULADASI? waa MAYA.

    MAxa DM deganadisa ka dhigey SHURAKO, SHEERINGMidda kale BURASHADLEY Puntland hadii jago lagu sinayo ANAGABA BURASHADLEY DIGIL MIRIFLE AYAA PUNTLAND NOO JOOGTO e WASIR HA LO DOORTO WAR XURDADA KA KACA ee DREAM BEENTA AAD ISU SHEGEYSAN JOJIYA Ninkan wuxuu waxano dhan uu sameynowhayana waa Sympathy XAwiye iyo Darodba ka sameyso si 2016 ku doortaan kkkkkkkkkkkkkk

  9. Nuradin Adan Diriye ma ahan tarjumaan waa special advisor waa ninka qeyb ka ahaa la dagaalakii maamulka Lixda gobol. waa ninka u qaylo dhaamin jirey Daarood oo dhan. Sharif Xasan xoogoho Leysaan ayuu Mirifle ka heystaa, balse Digilka daba ordayo oo hunguri raadis ayaa tiro badan.

    Baydhabana meel uu maamulkiisa ka jiro ma jirto. waa riyo maalmeed waxa uu ku socdo.

    Mida kale wasirada Raxanweyn waa kuwii ugu liitey halka kuwa beelaha kale kaga aqoon iyo karti fiican yihiin. kan ugu roon waa Geesey oo aan khamiriga ka kicin. Marka DM Allah u naxariisto, aniga koley janaazada waan ku tukadey reerkan.

  10. !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! war shariifkaan waa tuug wixii uu keenana waa tuugo kale marka umada digil iyo mirifle ha iska ceeriyaano ama sidii ari roob galey oo kale madaxa haxogtaano

  11. Nunow Hawiye Shabela Hoose ayuu qeyb ka degana yahay Bakool aniga Hawiye kuma ogeyn hadey deganyinhine waa dad Somaliyeed anagaba deganadooda waan dganahay yeshey wax COD aan ku lenahay ma jirto . Sidaso kale DM deganada DAROOD degan ayagana cod ma ku la’haa waa statuskoda waa KU DHAQME AMA KU DHASHTEY . WADANKA ALLEH KAS SOKOW UU DHASHTE AYAA ISKA LEH MAMULKISA .

  12. Nunow hadii Ku dhastey ama ku Dhaqme uu dhulka xaq ku yelanayo DM maxa uu didey iney Puntland, Galmud State Celbuur State Xibin Iyo Xeeb iwl inee XAQ ku yeeshtaan?

    Midda kale Nunow ogow dhul iyo nimkisa waa isu dambeyaan kuwa hadda maqarsar loga dhigey Wasiro deganao aysan degin shaqona ku la’hayn Gurbaan ninki Haddo intuu ku tumi raba waaye. Fidno ayuu ka taliyeey Sherifka Somali oo qabil iska ilowdey leys wada dhex galowhayo ayuu fidno COLADEEd dhalinowhaya waa INTENTIONAL DISHONEST wuxuu sameynowhayo waana ugu talo galeyn in colad qabiled bilabato. Ileen nin gurigisa logu yimadey waan kugu xukumayana logu darey waa is difacaya. NO JUSTICE NO PEACE

Comments are closed.