Dhiibo Codkaada: Ma u Maleysaa In Siyaasiyiinta Digil Iyo Mirifle Ay U Diyaar Garoobeen Doorashada 2016

13
43

hiigsigaAyadoo ay in ka yar 20 bilood ay ka harsan tahay mudadii loo qabtey dhaqan gelinta waxa loogu yeero heegsiga cusub (New Deal) ayaa hadana waxaa muuqata in deyro iyo rajaba aya kasoo yeerayaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta somaliyeed iyo waliba masuuliyiin hey;adaha kala gedisan ee haatan ka wada gudaha dalka somaliya dib usoo nooleynta dowladii somaliyeed ee burburtey aydoo loo marayo wada cad oo ku qeexan nidaamka loo yaqaan hiigsiga cusub (new deal).

hadaba kolka aanu eegno nidaamka new deal ayaa waxaa ku cad in 2016ay dalka ka dhici doonto doorashooo one man one vote ah hadii ay taa dhici weydo bedelkeedana ay howsha siyaasada dalka fara loo gelin doono madaxda maamul goboleedyada dalka oo ayagana la filayo iney guud ahaan dhismaan inta ka horeysa 2016.

Hadaba suaasha isweydiinta leh waxaa ay tahay siyaasiyiinta koonfur galbeed somaliya amaba hadaan si kalaba u dhigo siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ma u diyaarsan yihiin labadan qaab aynu kor ku sheegney ee siyaasada dalka somaliya geli doonta.

hiigsiga

 [poll id=”8″]

13 COMMENTS

  1. Diyaar intey ka yihiin inteysa dorashona ka so galayaan DEGAN AYAGA UU GAAR AHBA MA QABAAN DEGANADOODA WA DADKODHAN WADAG

  2. dadka digil mirifle gumeysi shariif sakina ayaa ku jiran- degaanadooda waxaa xukuma beesha cayr saldhigyada booliska maleshiyo hawiye-ceyr ayaa ka arimiya wax isbedel dowladnimo uma jeedno waa isbaaheysi cusub sharif sakiina-hawiye Ilaaho dulmiga naga qaado-

  3. dadkii saakow iyo bu,aale jilib iyo jamaame luuq awmaadey iyo baardheere dad macnahooda iyo dad aan dhaqan kaseynin siiyey maxey diyaar garoobaan amaba diyaar garoobin aduunyaba lama socdane diyaargarowga 2016da abdiweli gaas iyo axmed madoobe ayaa ka wakiil ah D IYO MIRIFLE ayagaa war ka sugeynaa..illeen hadaad tashen weyso waa laguu telin.

  4. asc kadib war dadkii xataa dantooda siyaasiga ah xataa garanwaayey oo aan xurba ahayn !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! maxay udiyaar garoobeyaan maxaase kadiyaar garoobeyaan dhul ma haystaan dadka digil iyo miriflana waxba uma shegi karaan waayo waxaa la ogyahay inay marba marka kadanbeyso gumeysi faraha ugalshaan ayna kasaari karin

  5. maxay diyaar garobaan sida muno sheegtey dad dhulkoodaba is wareejiyey oo banaan jooga ugu horeen hurdada kakaca dhulkiina intii ugu muhiimsaneet waad wereejiseen kkkk nin kasta oo digil ama mirifle ah keli ah baydhabo ayuu shegta meel kale masheegan karo bal eego haddii baardheere lasheegtey ceel ilaan shanqolow inta yurkud maxaa harsan inta qansaxdheere xuduud ay tahay bal sanadka so socdo aan aragno

  6. Walaalka na warsanaya su,aashani, waxaan ka oran lahaa in ay munaasaba aan u aheyn in la isweyddiiyo? Maxaa yeelay Hab dhaqameedka aynu ka arkeeyno kuwa isku maga caabay Madaxweeyna yaasha Maamul Goboleedyada ka jira Koonfur iyo Gobolada dhexe ayaa waxa uu na tusayaa in aanu dhici Karin waxa la yiraahdo doorasho!! Bal ay dhici doonto wax u eg.

    1- Madaxweyna yaasha hadda jira- markii laga saaro Madaxweeynaha fadhiya KIsmaayo- waxey ahaayeen kuwii soo Xushay Odaydhaqameedyada- si aanu sharciga waafaqsaneyn- oo u isticmaalay inay ku koraan kursiga.

    2- Waxaa dhalay Qoriddii odoyaasha- Xildhibaano aan kala jecleeyn Waddan ama Shacbi.

    3- Haddase waxaad arkeeyso oo horboodaya Siyaasadda Koonfur- waa isla ayagii- waadna la socotaa in aan ku sheegay khudbadii aan ka jeediyey, Xafladdii Taageeridda ee Magaalada Baraawe- in Ragga aan kor ku soo sheegnay ay u gogol xoorayaan the up coming due date which is 2016.
    4- Marka haddaan tusaale u soo qaato: Baydhaba waxa ka socdo:-

    1- Malaaqyada iyo Salaaddiinta waa diyaar kuwii lagu fuliyey Qorshahaasi weli way joogaan, kii dhintana walaalkiisa ama Kii uu dhalo ayaa lagu baddalayaa wax dhib ah ma jiraan, muhiim ma ahan in la helo kuwa sankoodii wax uriya oo dano kama laha Dhulkaas iyo shacabkaas.

    2- Fiiri Tirada hadda la magacaabay ee Wasiiro? Waa kuwa loo isticmaali doona in Goboladaasi haddana mar saddexaad la seejiyo Siyaasadda Koonfur gaar ahaan, guud ahaan Soomaaliya.

    3- Waxaa ku xigta oona hadda tusaale u ah, Labada Mas’uul Puntland & Jubba, Qodobada ay ku soo heshiiyeen- waxaa kaliya ka maqan In ay ku sheegaan Hiigsiga 2016 ay Maamulada jira Madaxdoodi soo xulan doonaa, kuwa ooga qeybgali doona Xubnaha Dowladda la dhisi doono 2016. Marka walaala yaal wax fahma oo barta sida ay u shqeeyaan Maskaxda kuwa hadda horjooge u ah Siyaasadda
    Soomaaliya.

    4- Marka haddaanu Rabbi wax ka baddalin arimahaasi, waad arki doontaan. Ma Jiri doonto wax la yiraahdo Xisbi ama doorasho sida qaar siyaasiyiin ah ku riyoonaya!

    5- Weli yaanan ka tagin Xeeladda kale ay sameeyn karaan-ileen caqliga ayagu ku jira annagaba waa nagu jiraayee- ee fursda umbaa leys dhaamaa mooyee.

    Dowlad Goboleed kasta ayaa waxey isu rogeeysaa Xisbi, ayagoo aan waxba laga baddalin Qorshihii Doorashada uu sidaasi ku dhici doonaa!

    6- Waxaa kaloo Xusid mudan- In Madaxdaasi ay sidii caadadu u aheyd ay ka heli doonaan-Dowladaha Caalamka ee faraha kula jira arimaha Somaaliya- kaalmo ha noqdaan Dhaqaale, ama Siyaasad- ileen horey isu yaqaaneen oona ka dhexeeyey xiriir hoose, habka loogu fuliyey labada Dowlad ee Koonfureed, Kismaayo Iyo Baydhabo, shacbigoo soo jeeda ayaa indhaha Carro looga shubay! Marka Akhristoow Su,aasha soow maahan Waxa u diidaya nimankaani waxaasi sameeyey in ay mar kale sameeyaan? Sharci ama Xoog miyaa jira u diidaaya? Maadaama Shacbigii lakala Qeybshay- Qaarna lagu aamusiyey Kash (Cash)- qaarna Qandaraasyo la siiyey, Qaarka kalena Lagu aamusiyey Jago aan wax qabasho laheyn iyo aadan u aheyn Aqoontaada iyo Maslaxadda caamka ah si Xuriyad ah u fuliso??

    Jawaabtu Qof kasto oo Soomaali ah oo leh dareen iyo Danqasho ayey u taalaa!

    Thank you!!

  7. intee diyaar ka ahaan doonaan waa ayaandaro digil&mirif u soo hooyatay in hogaan dhaqameedka & siyaasiyiinta ay noqdaan dad lacag darteed wax walba u sameenkara mark intaan ka badan maxaan ka sugnaa waxaan ka sugnaaba inay kursigooda ay iibiyaan intaas oo kliya ayaa noo haray Aragaane

  8. Digil iyo Mirifle walkasta oo wadanka dantiis eh oo dan anka jirto diyaar ayan ayiin waana dad dooow iska dheegaaw iska danbooyaan

  9. U diyaar garow iska daaye xitaa ma’oga badankoods inta waqtiga ka dhan. Ee D&Flow hada ka dib holloo fiirsado qofka umada matalaayo waxaan ogaanay in reerkasta oo Digil&Mirifle ay horboodayaan dad sheegad ah oo isir ahaan kasoo jeeda beelaha kale ee soomaalida taas oo sabab u ah in jahwareer ku yimaado siyaasada umada & in lawaayo muwaafaqo imadeed.

Comments are closed.