Colaadihii Ka Socdey Degmada Guuraceel oo Hishiis Hordhac Ah Laga Gaarey

0
85

guriceelWararka laga helayo degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, ayaa sheegay in dadaallo dheeeraad ah oo loo galay joojinta dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo xoogagga Ahlu Sunna kadib labada dhinac gaareen hishiis hor dhac ah oo u gogol xaaraya dhameynta wixii khilaaf ah ee jira.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay degmada ku sugnaa wasiirrka wasaarrada difaaca xukuumada Soomaaliya Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini oo kulamo kala duwan la qaatay mudadii uu halkaa ku sugnaa saraakiisha ciidammada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca, isaga oo kala hadllay in colaada nabad lagu badallo.

Saacadaha soo socda ayaa la fillayaa in la shaaciyo qodobada lagu hishiiyay, kaddibna xubno ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca ku biiraan madasha dib-u-hishiisiinta ee degmada Dhuusa-mareeb.