Milkiilaha Radio Shabelle,Sky-fm iyo Wariyaal Kale Oo maanta Xukun Lagu Riday

0
131

wariye

 

 

 

 

 

 

Waxaa maanta markale maxkamada gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho kasoo hormuuqday wariyayaal ku eedaysnaa denbiyo la xiriira kicin shacab iyo ka beensheegid cudurka Iboola.
Wariyayaashan oo maxkamadooda mudo badan gadaal loo dhigay ayaa ugu danbayn maanta maxkamada gobolka Banaadir ay go’aan ka qaadatay.
Go’aanka maxkamada ee ku wajahan Afartan wariye oo horey uga howl gali jiray Idaacadaha Sky-fm, Radio Shabelle iyo Idaacada Risaala oo intuba ka howlgala Muqdisho ayaa u dhacay sidan.
Milkiilaha Idaacadaha Sky-fm iyo Shabelle Cabdimaalik Yusuf ayaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag gaareysa ilaa $10,000.00 oo Dollarka Mareykanka ah iyo xabsigii uu horay u qaatay intii uu xukun sugaha ahaa, iyadoo Wariye Maxamuud Carab oo ka howlgeli jiray sky-fm Muqdishana lagu xukumay in uu bixyo lacag cadadeeda lagu sheegay $2000.00 oo Dollarka Mareykanka ah Sidoo kalena Maxamed Cabdi Cali oo ka tirsanaa Radio Risaala aaya lagu xukumay $500.00 oo Dollarka Mareykanka ah waxaa dib loo dhigay xukunka Maxamed Bashiir oo ka howl geli jiray Idaacada Shabelle.