Farkeetiyow Ma Wadadii Adeerkaa Zoobe Ilaa Shariif Xasan Ayaad Kabi Doontaa Mise Score Cusub Ayaa Lagaa Sugi.?

4
305

farkeetiMaxamed Aadan Ibraahim Farkeeti waa Aqoon yahan ka dhisan dhinaca Maskaxda iyo Jeebka sida dad badani ay aaminsanyihiin,waxaa kaloo agtiisu ay aad ugu weyntahay Qadiyada DM.

Sidoo kale Mudane Wasiir Fakeeti wuxuu ahaa siyaasi marka laga soo bilaabo Carte ilaa xiligan uu wasiir noqdey waxaa uu marwalba taagna Albaabada Siyaasadaha Soomaaliya laga gallo hayeeshe waxaa soo xusulinayay Siyasiyiintii Ururkii RRA.

Hadaba fursadani uu Wasiirka ku noqdey oo uusan ku helin waji qabiil lakiin mid saxibtinimo isaga iyo Jawaari ka dhaxeysey ayuu Masraxa siyasadeed 15-sanno kadib ku soo istaagey.

Sidoo kale Wasiir Farkeeti intuusan xilba qaban waxaa uu aad u liidi jiray siyaasiyiinta xiligaasi nasiib wasiirnimo heley wuxuuna ku tilmaami jirey kuwooda ugu roon Daneystayaal aan umadi u maqneyn kuwa uu quursadeyna waxaaba uu oranjirey iyagaaba bahane umadi wax ma tari karaane qaraan haloo aruuriyo.

Hadaba xilka Wasarada Maliyada inta lawada ogsoon yahay oo dowlad la aqoonsanyahay ay jirtey DM waxaa kasoo kala qabtey sedax siyaasi oo kala ah:-

zoobe

Cabduqaadir Maxamed Aadan (Zoobe)oo masuulka Wasarada Maliyada Soomaaliya noqdey 22 July 1960-kii Dowlladii Aadan Cadde wuxuuna ahaa sanado badan taariikhda inta la xasuusto ma jirin hal qof uu shaqo geeyey balse qofkii u taga sahay safar Baydhaba ku soo aado ayuu jeebka usoo gelin jirey isagoo kula soo dardaarma Beerihii iyo Xoolihii gaara Magaalo Bedey waaye Muqdisho.

xaamuud

Dowladii C/laahi Yuusuf uu Nuur Cade Wasiirka Kowaad ka ahaa waxaa Wasiirka Maaliyada loo magacaabey Maxamed Cali Xaamud Janaayo 04 sanadkii 2008-kii isagoo dhalinyarro ah Dowladii kacaanka in badan u soo shaqeeyey ayaanba lahaynin waxqabad balse waxaa la ogaadey in uu yahay qof aamin ah C/laahi Yuusuf iyo Nuur Cade qofba wuxuu u dhiibo ama soo amro sidey rabaan ayuu u yeeli jirey isna waxaa rasamaal u ahayd MUDANE

sakiin
20-kii Feberaayo 2009-kii waxaa wasarada Maaliyada, Lacagta iyo Ra’iisal Wasaare ku-xigeen loo magacaabay Shariif Xasan Sh. Aadan dowladii Shariif Sheekh Axmed, waxaan loo fa dhaninin in la isweydiiyo waxqabadkiisa lakiin dhibateynta Beelweynta magaceeda uu wax ku noqdey haddii la isku deyo in laqoro bugaag iyo qalamaan ayaa dhamanaya tiradooda halkey gaarsisantahay waxyeeladiisa.

Hadaba Farkeetiyow Malaga yaaba in shaqaale DM ah aad shaqo ka siisid wasaaraada Maliyada.?
Sidoo kale Malaga yaaba in aad kasbato bulshada DM si aad u noqoto siyaasiga ugu weyn 2016 sida dadka qaar hada ay ku haminayaan mise dhismooyin Xamar iyo Baydhaba qabyo kuu ah baa dhameystir kaasugaya.?
Isku soo wada duub inbadan ayaad farta dad ku fiiqday miyaad iska leexin mise shanfarood ayaa lagugu soo fiiqi doona.

4 COMMENTS

  1. qoraaga waxaan xusuusinaa inuu ka boodey shakhsiyaad horey wasiir maaliyad usoo noqdey dowladii carte waxayna kala yihiin siid axmed sheekh daahir iyo xuseen maxamuud sheekh xuseen(batni)
    kuwaana taariikhdooda haal xuso inta laga garanaayo

  2. war nimankaan saxaafada see wax idinka yihiin ninkaan waa waziir somali wixii la qabanaayo waa in ay ahaadeen sir beelaha kale beel sidaan wax u qorto ma jirto
    idinkaa fashilinaaya ninkiina idinkoo raali aha waxaa ka muuqata dadka qaar caadifada qabiil iyo jahli xitaa ma yaqaanin sida loogu hiiliyo qofkaaga markale jahli wayn ayaa ka muuqda qof ka soo diyaarieyey qormadaan qabyaalada waadax ah ka muuqata

  3. Arlaadi somalinimada aad sheegeyso wexey dhamaatey half qarni ka hor qof kastaa ee masuul noqdo asagoo ah masuul qaran hadana kama socdo xisbi uu matalo waxaa uu ka socdaa deegaanka uu kasoo jeedo marka qofka haduusan ku hadli karin amaba waxa ay deegaankisa u baahan yihiin uusan u gudbin karin xukuumada waa ayaan daro.

    Mida kale somalinimadaan ay eelayda keliya ku orodo oo ay somalidii kale ka carareen walaalaow ma ii sheegi kartaa waa ujeedaa somalinimadii inta la qaadey ayaa ayaa loo geeyey itoobiya waxaana noqoney deegaano iyo gobolo ka tirsan dalka itoobiya qof kastana itoobiyaa loga yeeraa oo laga soo hagaa war hurdada ka kaca eelaay tuugsi maahee dadnimo kuma ogeyn hanoo soomaaliyeyninee dadkiina iyo deegankiina wax u qabsada hadii kale gumeysi ay somali kale idin gumeysato diyaar u noqda.

Comments are closed.