Xildhibaan Maxamed Ibraahin Xaabsade oo Maanta Lagu Aasey Magalada Baydhabo

0
74

Xaabsade1Waxaa maanta Magaalada Baydhaba lagu aasay Allaha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo habeen hore ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Ayadoo maanta Meydka laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba, ayaa waxaa halkaas ku sugayeen maydka Marxumka Mas’uuliyiin iyo Shacab farabadan.

Aaska Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa waxaa sigaar ah uga qayb qaadanaayey Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed, Odayaasha Dhaqanka, Culmaa’udiinka,Hawenka iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa lagu aasay Guri uu lahaa oo horey uga dardaarmay in lagu Aaso.