Dhegayso..Gurmad Daawo oo la gaarsiiyey Bukaano qaba Cudurka Jadeecada Degmada Buurdhuubo

0
34

daawoGurmad Daawo oo loogu talagalay dadka qaba Cudurka Jadeecada oo dhowaan ka dilaacay degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa maarkii ugu horeysay waxaa la  gaaarsiiyey in ka badan ilaa 42 Bukaaan oo ku sugan Tuulada Saabley oo 15 km u jirta degmada Buurdhuubo iyo nawaaaxiga dhulka miyiga ah.

Gurmadkan Daawo oo ay weheliyaan dhaqaatiir Caafimaaad ayaa waxaa laga kala keenay Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo,iyadoo xilligan la sheegayo xaalaada caafimaad daadkii la liitay cudurka jaadeecada oo isugu jirey dad waaweyn iyo caruur in xaalaadooda ay ka soo reynayso sida uu Wadajir u sheegay Dirham Sheekh Cali oo ka mid ah Waxgaradka ku dhaqan degmada Buurdhuubo.

Sidoo kale Xaaji Ladane Ismaaciil oo ah Guddoomiyaha Guddiga Caafimaadka degmada Buurdhuubo oo la hadlay Wadajir ayaa sheegay inta aanan la helin gurmadka daawooyinka iyo dhaqaatiirta dadka in ay ku sugnaayeen xaalad khatar ah,isagoona sheegay  jadeecada  in ay wehliyaan cudurrada shubanka, duumada iyo hargabka, waxaana sabab u ah ayuu yiri dhammaan cudurrada carruurta oo aan helin tallaalka ka hortagga ah.Xaaji Ladane ayaa intaa raaciyey in Buurdhuubo ay go’doonsan tahay laga so bilaabo bishii March ee sanadkii tagay oo ma jiro wax gaadiid ah oo soo galay ilaa muddadaaasi.

Halkan ka dhegayso wareysigaGurmad daawo oo la gaarsiiyey