Dhegeyso:- Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne oo Lasii Daayey Kana Hadley Xarigii Loo Geystey

0
23

cabdulkhadirGudoomiyaha Degmada Xamar-weyne ee Maamulka Gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir oo maanta Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa dhaliilay qaabkii loo xiray Asaga iyo Kuxigeenkiisa Arrimaha Bulshada oo Shalay Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ay Xireen.

C/qaadir Maxamed C/qaadir ayaa Tilmaamay in qaabka loo soo maray Xarigiisa uusan Sharci aheyn islamarkaana qaab qaldan loo soo maray,waxaana uu u Mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir oo qeyb ka qaaday siideyntiisa.

Xariga loo geysanayo masuuliyiinta aan hubeysneyn ee xilka ka ahaya xukuumada ayaan beryahan dambe kusoo badanaya xafiiska xeer ilaaliyaha walow ay jiraan masuuliyiin aad u badan oo ka tirsan xukuumada islama markaana ku takri fala dhaqaalaha loogu tala galey shacabka balse aan waxba laga qabaneyn ayagoo looga baqayo beelooyinkiika oo hubeysan dartii.

 

cabdulkhadir

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada

 

cabdulkhadir mobil