Gudoomiyaha Degmada Xamarweyne oo La Xirey ( “Maskiin Ayaa Misko La Fuulo Leh” )

0
62

cabdulkhadirWararka aan helayno magalada muqdsho ayaa sheegaya in gudoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir la xiray iyo sidoo kalena la xeray ku xigeen kiisa dhanka arrimaha bulshada iyadoo lagu eedeeyey inay sameeyeen musuqmaasuq gargaar loogu talo galay ciidamada naafada xooga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daray in labada masuul lagu xiray amar kasoo baxay ku xigeenka xeer ilaalinta qaranka ee Dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta qaranka ayaa xiray ganacsato la sheegay inay iibsadeen raashiinkaasi iyo dad la sheegay inay u kala dalaalayen ganacsatada iyo masuuliyiinta la xiray.

Xariga gudoomiyaha degmada xamar weyne iyo kuxigeenkiisa arimaha bulshada ayaa waxaa uu imanayaa ayadoo gudoomiyaha degmada baraawe ee gobolka shabeelaha hoose isna uu ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magalada muqdisho ayadoo isna uu ku eedeysan yahay musuqmaasuq talaabadan lagu beegsanayo dadka soomaaliyeed ee aan kasoo jeedin beelaha aan hubeysneyn ayaa waxaa ay tusaale cad u tahay muqusmaasuqa maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.