Bayaan Siyaasadeed oo Kasoo baxay Reer Baraawe

0
138

 

shabelaha hoose

Ku:       Mudane Sharif Xasan Sheikh Adan          Madaxwenaha KGS.

CC:      Mudane Hasan Sheikh Mahmud               Madazweynaha DFS.

CC:       CCC Shermarke                                             Raisulwasaraha DFS.

CC:      Maxamed Osman Jawaher  …   Afhayeenka Barlamaanka DFS.

  1. Xubnaha Barlamaanka iyo Hubnaha Golaha Wasiiradda ee Dowladda Federaalka;Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka;Shacabka Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaanna shacabka gobolka shabeelaha hoose iyo dhammaan warbaahiinta soomalida iyo caalamiga.

CC.Golaha Guurtada Dowlad Goboleedka Konfurgalbed Soomaaliya

 

Taariikh 12/1/2015

Ujeedo: Dulmi dowlad kuma dhismi karo-Taas awgeeda-Goboladda Konfureed waa astaanta cadaaladda soomaaliya.

Shacabka konfurgalbeed-Waxaa  si carro’leh  cambaareeynaayan goa’aanka keligi talisnimo ee xaq ku lahayn sharciga  ee ku kacay Madaxweynaha  K.G -Sharif Xasan  Sheikh Adan asagoo eegaya maslaxadda shaqsi -burburiye dhulkana dhigay rajada Koonfurgalbeed ka xanaqaado dowlad goboleed rasmi soo celisa xorriyadda iyo sharafta qoomiyadda digil-mirifle gudaha iyo dibadda- halgan qaadatay  65 sano ka badan dhiig badan ku daatay.

Isbaaradda iyo jabka Shariif Xasan  gaarsiiyay shacabka masaakiinta ee koonfurgalbeed  masuliyadeeda aduun iyo aakhero asaga ayaa lala xisaabtama-waa dhacdo xanuun badan xuduudii baniiaadamka ay dhaftay oo ku rebtay murugo quluubta muwadin kasto konfurgalbeed ka tirsan- ujeedadeeda ka dambeyse  shirqolkan waxay ahyd in gobolka shabeela hoose uu hawiye ka gato sidaas ku Helen wasiiro  iyagoo gobolka xata hal guri aan ugu yaalin.

Waa goa’aan halis ku ah umadda khatarteeda leedahay oo  aan la aqbali Karin mugdi gelinaya jiritaanka qoomiyadda digil-mirifle iyo mustaqbalka siyaasadda gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaqqa ayaa inoo dhalan doonta laakin hadda waxaa meesha ku aragnay hawiye  aan  mesha ku dhalan dhulka digil loo boobay dadka ka dambeeya xasuuqa iyo barakac ka dhacay shabeelaha hoose  iyo dulmi 23 sano- tulo-degmo-iyo gobol xoog iyo gumeysi  joogto aan xad lahayn- ku hayste loo abaalmariye hilal wasiir aan u qalmin dhul abko iyo isir ku lahayn .

Golaha wasiiradda la magacaabay waxaa u jeednaa dad umadda konfurgalbeed dhiigooda inay caban rabo, in loo sharciyeeyo xadgudubyada iyo dulmiga lagu hayay shacabka digil 23 sano sii socdo.

Dadka konfurgalbeed oo Muqdisho degan tiro ahaan waa 38% hadana wax lala yabo ah in aysan ka tirsanayn dhammaan maamulada degmooyinka gobolka banadir.

1.Buulo Elayi oo ah degmo ay as aasen dadka konfurgalbeed

2.Buurkarole waxaa degan Reer Baraawe(digil)

3.Xamar Jab-Jab waxaa degan Reer baraawe( digil).

4.Waaberi waxaa degan dadka (digil/mirifle).

Waxaa la yaab ah in usan jirin qof masul ah oo ka soo jeeda konfurgalbeed oo arintas ka hadlay ama weligis u ololeeyo.

Madaxweyne  Sharif xasan waxaa aan weydinaynaa sababta dadka konfurgalbeed aysan gobolka banadir waxba ugu lahayn iyo sabata beesha habargidir-Hawiye ay shabeelaha hoose xoog ku qabsatay (5) wasiir ku lahaadan iyo muqdisho oo xoog ku timid lana garanayo taariikhda in manta affar degmo godoomiye ka noqdan waa nasiib darro weyn.

Beelaha degan gobolka shabeelaha hoose-Indigios people- waxaa ka mid ah:Garre, Uadan,Erdo,Begedi,Abajibili,Abichero,Intire,Hintira Uravane,Gabroone,Herdo,Dohole,Biomaal,Jiddu,Dabarre,Dacfaraad, Goygaal,wiriile,Hajuuwa,Daqtira,Tunitore,Bidda,Hatimiy,Asharaf….

Beelahaan mid walba deegaan iyo degmo lagu yaqaano,loona aqoonsanyahay gobolku ku leedahay,midna mida kale kuma xadgudubto,waxana ka dhexeeya walaaltinimo iyo habdhaqan maamuleed oo soo jireen ah,kaaso ku saleysan is xaq-dhoor iskaashi iyo dan-wadag,iyadoo axmiyad gaar ah la siinaayo horumarinta nabadda ku wadanoolaashada iyo wax wada qabsiga.Taaso keentay loo aqoonsado laguna tilmaamo beelo nabadeed.

Inta kor ku xusan ka dib  waxa halkan ku lifaaqne dokumeniyo Taariikhi ah oo cadeynayo dadka  xaqa u leh  dhulka digil-mirifle.

Bayaanka Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Hoose 2015.

Ka dib markan si buuxda u taagernay dadaalkii dib u heshiisiinta iyo nabadeenta shacabka soomaliyed iyo sameynta dowladda federaalka ee ka soo baxday halkaas si loo afjaro dagaalada sokeeye.

  • Ka dib markan aqrinay axdiga Qranka ee kumeelgaarka ah ee lagu heshiyay in ay ku dhaqman shacabka iyo xukumadda soomaliyed
  • Ka dib markan aqrinay heshiska awood wadaaga soomaaliyed ee lagu saleeyay qaacidada 4.5 arimaha xukunka  iyo kheeraadka.

Ka dib markaan tixgelinnay-Xoog-ku-haysashada foosha xun ee konfurgalbeed iyo adgudubka joogtada ah ee baniaadanimada ka baxsan ee loo geysto dadkeena iyo weliba innagoo maskaxda ku hayno in ujeedada aysan ahayn oo keliya isticmaalka dhulka xooga looga qaatay milkiilayaashi xaqa u lahaa,balse  aay  tahay in la tirtiro xadaaradda, aathaariga taariikhiga iyo jiritaanka dadkeena.

  • Ka dib markaan u kuurgalnay magacabidda saraakiisha maamulka dowladda goboledyada ee loo magacaabay qeybo ka mid ah dalka iyo habka loo raacay wadatashiyada iyo ka qeybgalada dadaalka, qiimeeynta baahidda wadajireed-Joint Needs Assesment-ee waqtiga xaadirka ah socda.
  • Anagoo ah, wakiilo ka socda qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Digil ee ku saxiixan bayaanka,waxaan cadeeynaynaa mooqifyadda siyaasadeed ee dadkeena ee ku wajihan qaab-dhismeedka dowladda federaalka ee soomaliya-
  • Waxaan ayidsanahay abuurista nidaamka federaalka ee Soomaliya.  Waxaan taagersanahay  dowladgoboledka dhisantay-
  • Waxaan taageeraynaa Maamulgoboleedka konfurgalbeed State.
  • Dhammaan muwaadiniinta ku nool dowladda konfurgalbed si siman

u wadaagan xuquuqda iyo waajibaadka dastuuriga ah-

  • Waxaan si xooggan u diidaynaa faragelin ka timaada dowladda federaalka ee arrimaha gudaha dhinaca magacaabidda maamuladda degmooyinka-

Mustaqbalka siyaasadda iyo aaya ka talinta waxaa lagu aamini kara keliya rabitaanka shacabka.

Waxaan ugu yeereynaa dhammaan odeyaasha hogaamiyaasha siyaasiinta, waxgaradka iyo muwaadiniita ku abtirsadaan maleeshooyinka xoog ku haysa gobolkena in ay ku soo biiran codka cambaareynta ee heysashada dhulkeena.

Waxaan ku adkeynaynaa inay si deg-deg ahaan uga baxaan dhammaan dadka xooga ku heysta  dhulka konfureed gaar ahaan dhulka labada webi u dhexeeya.

 Waa marag madoonto waxa gobolkan ka dhacaya kufsiga, dhaca, dilka iyo xadgudubyada kale lidi ku ah xuquuqulinsaanka,shareecada Islaamka ,dhaqanka somaaliyed iyo qawaaniinta caalamiga.

Dad beero lagu fasho,dhabarkooda bilaaash lagu rarto,biyaha webiga laga gado gobolkan ayaa laga arkay.

Waa wax caqliga saliimka diidayo,qarnigan maanta la joogo meel adoonsi  ka dhacay  gobolka shabeelaha hoose ayaa ka jirtay.

Bulshadii ku nooleydi gobolkan  sidii la doono ayaa laga yeelaayey nin la dilay oo xaaskiisa ,gurigiisa hantidiisa iyo bertiis la dhaxlay shabeelaha hoose  bay ka dhacday.

Waxaa aan Taageereynaa walaalahena beesha biimaal halganka xaqa ugu jiran difaaca  jiritaankooda iyo maseerka qadiyadooda si hor ah

Shacabka gobolkan xaq uma arkan koox ama qabiil xasilooni,nidaam iyo kala dambeyn  diidan oo xoog ku hayso guryo dowladeed,dad gaar ay leeyihiin iyo hantida qaranka u diidan Soomali aayaheeda ka tashato.

Dowladda Konfurgalbeed waxaa aan ka codsanaynaa in arinta gobolkan ay dib u noqdan oo ay u dhaqanto si dowladnimo oo shacabka ula dhaqman si ku dhisan cadaaladda iyo sinnaan.

‘’Gobolkan waxay u baahantahay in loo sinnaado dhanka cadaalada’’

Waxaan kula talinaynaa guud ahaan umadda Soomaaliyed ee jacel caddaaladda iyo nabadda kuwada noolaashada iyo gaar ahaan dowladda federaalka ee Soomaaliyed,Madaxweynaha,Raisulawasaraha,

Gudomiyaha barlamaanka federaalka Prf. Jawaaheri oo asagaba ku dhashay magaalada afgoyi,kana tirsan dadka deegaanka oo fahmi karo dhibkooda  inay xoog saran siidii gobolkan nabad iyo cadaalad dib loogu soo celin lahaa,si ay u istaagto dhaliyaradii oo carro darteeda ugu biiraayo argagaxisada,taaso keeni karto mushkilad hor leh.

Waxaa aan ka codsanaynaa gudoomiyaha barlamaanka mudane Jawaheri asago ku fadhiyo kursiga qoomiyadda Digil/Mirifle shaqsiyyan in hormuud ka noqdo talaabada lagu soo celinaayo sharafta, karaamada iyo jiritaanka shacabka shabeelaha hoose muddo 23 sano ku nooleyd cadaalad darro iyo dulmi.

Umadda Soomaaliyed ayaa soo martay taariikh qaraar oo saameyn ku rebtay noloshooda caadiga,dhibaatadaasi badankoodi waxaa ka dhalan jirtay siyaasad xumida madaxda sare ee dowladda.

Edeemaha xukuumadan loo soo jeedinayo waxaa ka mid ah : dagaal soo nog nogday ee ka dhacay gobolka shabeelaha hoose kaasi dowladda lagu so eedeeyay in ay ka dambeyso iyadu oo ay dhinac garab siisay.

Shacabka gobolka shabeelaha hoose waxaa ka codsanayaan cidamada Amisom ee  ka howlgala gobolkan in dadka ay ka dul qaadan dulmiga dowladda iyo kooxda ay si bareer ah u abaabusha barakicin,xasuuq la bartilmaansado dadka masaakiinata deegaanka u dhashay.

Ma aqbaleeno mana yeeleeno in aayaheena ay ka tarjuman siyaasiinta ka soo jeeda gobolo kale,hadaba waxaa aan ugu baaqeynaa dowladda federaalka Soomaaliyed in ay la socoto siyaasiinta ka soo jeeda gobolada kale ee dhulboobka ka wada gobolka shabeelaha hoose.Sido kale waxaa baaq u soo diraynaa UN-Ka-USA-AU-IGAD-Jaamacada Carabta-OIC-inay si dhow ulasocdan dhibaatada lagu hayo bulshada gobolka shabeelaha hoose iyo dhul boobka ay wadan syaasiinta ka soo jeeda gobolada dhexe.

Xukumada fedeeraalka Soomalia waxaan u argana in ay ka caga jiidaysa hanaanka fedeeralka inkasto nidaamkan mid muhim u ah xilligan guud ahaan dalka laga horgeliyo si dadka u dhashay wadanka (indigenous people) xukunka la wereegan.

Dowladda Konfurgalbeed laguma dhisin baryo ee waxaa lagu dhisay rabitaanka shacabka sida dastuurka waafaqsan ee u dhabar adeegay dhib kasto soo hujuumana iska difaacayay odeyaasha dhaqanka oo raba inay caruurtooda u ilaaliyan dhaxalkii aabayaashooda ka soo gaaren.

Beelaha gobolka shabeelaha hoose waxa yihiin dad nabadda jacel oo doonaya dowladnimo haase ahaate waxaa ay ka soo horjeedan ay tahay in wax aysan ka warqabin dusha looga keeno.

Waxaa aan ka codsanaynaa xildhbaanada digil-mirifle oo wakiil ka ah shacabka  gobolkan hurdada ka toosan codkoodana ku biiran kacdoonka shacabka si deg-deg ahna ka shiran mustaqbalka gobolka.

Aqoonyahaanada gobolka shabeelaha hoose waxaa aan ka codsanaynaa in ay bilaaban dagaal diblomaasiyadeed si caalamka oo dhan lloga dhaadhicin lahaa khatarta ku sugan shacabka ku nool gobolkan.

 

Wa billahi Towfiiq

Saxiixayaasha,

1.Suldan Maxamed A. Awisa

2.Nabadoon Abdulkadir Manur Amio

3.Suldan Maxamed Jeylani H Munye

4.Nabadon Xusen Osman Shego

5.Nabadoon Jeli Osman Shego

6.Col.Maxamed Ibrahim

7.Nabadoon Cabbas Jeylani

8.Dr Muhiddin Munye Haji

9.Gen. Sharif Hamza

10.Sheikh Burhan

11.Dr.Abu Sheikh Mohamed

12.Abdulla Mohamed Abdallo

13.Marwo Amina Sayid Ahmed

14.Marwo Maymuna Bakari Maxamed

15.Marwo Khadija Haji Maxamed

16.Marwo Sacdiya Abu Maxamed

17.Marwo Fadu Abu Salax

18.Marwo Khadija Bana Abu

19.Marwo Safiya Axmed Cali

20.Col. maxamed salax sheikh

21.Ali aliyo maxmed.

22.Maxamed Sheikh Cusman

23.Ahmadey Maxmed Aba Ali

24.Said Axmed Maxmed

25.Abdalla Axmed Abdalla

26.Omar Ahmed Saciid

27.Saciid Salax Ali

28.Mutidi Amiin Axmed