Dhegayso..Odayaasha beesha Mariixaan o ka qayliyay xasuuqa uu Axmed Madoobe ku hayo

0
30

bayaanNabadoonada,Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Mariixaan oo kulan deg deg ah yeeshay ayaa waxay si kulul u weerareen Madaxa Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen in si gaar uu u beegsanayo dad ka soo jeeda Beeshooda oo degan Magaalada Kismaayo iyagoo soo hadal qaadey tiro dad ah oo lagu diley Kismaayo maalmahii ugu dambeeyey.

Odoyaashii iyo waxgaradkii ka qeyb galey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Nabadoon Sh.Cali Cabdi,Nabadoon Maxamed Cabdulaahi,Nabadoon Sh.Aden Diyaad, Nabadoon Salaad Ibraahin Raaxoy,Nabadoon Mucaawiye Deer Cadaawe iyo Nabadoon Xuseen Cabdulqaadir.

Nabadoon Maxamed Cabdulaahi ayaa kulanka ka dib shir jaraa’id oo uu u qabtey Warbaahinta ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe in Gumaad isir sooc ah uu ka wado Kismaayo,isagoo sheegayna labadii habeen ee ugu dambeeyey in ay dileen Maleyshiyadiisa ilaa 10 Qof oo shacab ah,kuwaasi oo lagala baxay guryahooda,meykoodana la soo dhigey wadooyinka magaalada iyo Xeebta.

Nabadoonka ayaa ugu dambeen waxaa uu Baaq u jeediyey Maamulka Jubba in ay joojiyaan Xasuuqa ay ku hayaan dadka Soomaalida ah ee degan Magaalada Kismaayo,islamarkana ay ula dhaqmaan si Soomaali nimo,haddii arintaasi ay dhici weydo waxii cawaaqib xumo oo ka dhasha waxaa qaadi doona ayuu yiri Maamulka Jubboland ee uu madaxda u yahay Axmed Madoobe.

Halkanka dhegaysoNabadoon Maxamed Cabdulaahi