Xukuumada Federalka oo Digniin u Dirtey Shirkad Shiinees Ah

0
41

astaanta somaliaWasaaradda Macdanta iyo Batroolka Somalia ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta waxay ugu digtay shirkadaha sida sharci-darrada ah baaritaanka macdanta uga wada gudaha Soomaaliya.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay inay si dhowr ula socodaan dhaq-dhaqaaq ay shirkadda ARC oo Shiinaha laga leeyahay uga waddo Somalia, taasoo ay sheegeen inay waayahan dabme si sharci darra ah macdan baaris iyo qodis uga waddo buuraha Simoodi ee gobolka Awdal.

Sidoo kale, warka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay walwal ka muujnayso sidii horayba u dhacday, in shirkadaha sharci-darrada dalka ugu aasaya badda iyo barriga Somalia.

Waxaa kaloo lagu yiri qoraalka wasaaradda. “Dowladda Soomaaliya waxay ujeedinaysaa dawladda Shiinaha in shirkadaha dalkeeda laga leeyahay aysan ka qayb-qaadan sii hurinta colaadaha sokeeye ee Soomaaliya.”

Dhanka kale, waxaan uga digaynaa dhammaan shirkadaha caalamiga ah ee macdanta iyo shidaalka baara inay galaan heshiisyo sharci-darro ah oo heer-koodu ka hooseeyo hab-dhaqanka caalamiga oo ay isku dayayaan inay kula soo baxaan khayraadka Somalia, kuna qaataan si raqiis ah oo aan sharciga dalka iyo kuwa caalamiga ahba waafaqsanayn.