Dagaalo Maanta ka Dhacay Degaanka Ceelxagar ee Ka Tirsan Gobolka Bakool

0
109

DagaalDagaal u dhaxeeya  Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Garab ka helaya kuwa Midowga Afrika Ee AMISOM iyo Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Degaano hoosyimaada Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa yimid ka gadaal markii Ciidamada Milatariga iyo kuwa AMISOM ay Weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Ceelxagar oo 25KM  dhanka Barri kaga aadan Degmada Xudur.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Maamulka Dowladda Soomaaliya Maxamed Macalin ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Ciidamada Huwanta ah ay Al-shabaab Dagaalka ku jabiyeen islamarkaana ay ka dileen ilaa 10 Dagaalame.

Dadka Degaanka ayaa noo sheegay in Labada Dhinac ay isku Adeegsadeen Hubka Culus islamarkaana Khasaara Badan uu labada Dhinac kala gaaray.

Al-shabaab Dhankooda wali kama hadlin Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.