Dowladda Soomaliya oo beenisay in horjooge ka tirsan Al-Shabaab ay ku wareejiyeen dowlad kale.

0
33

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa beeniyay warar sheegaya in horjooge Zakariye Axmed Ismaaciil Xirsi oo Sabtidii ciidanka dowladda federaalka ay ku qabteen howgal ay ka sameeyeen magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo uu u gacan galay dowlad kale.
Wararka ayaa sheegaya in Zakariye uu kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka sirdoonka.

War qoraal ah oo maanta kasoo baxay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Zakariye Axmed uu kujiro gacanta dowladda, gaar ahaan hay’adda nabad sugidda.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhawaan soo saari doonto warbixin dheeraad ah oo la xiriirta horjooge Zakariye Axmed.

Zakariye Axmed, wuxuu watay bastoolad markii ciidanka dowladdu ay soo qabanayeen, balse ma uusan sameyn wax iska caabin ah.

Bishii June 2012, Mareykanka ayaa abaal-marin dhan saddex milyan oo doollar dul-dhigay madaxa Sakariya, oo lagu tilmaamay inuu ahaa gacanyare aad ugu dhow hoggaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Madaxda dowladda ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab inta laga saarayo guud ahaan dalka.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho