Air Asia oo Ka Duushey Dalka Indonisia oo La Weysan yahay Meel Ay Cirib Dhigtey

0
31

air_asiaDiyaaradda Air Asia oo ka duushay dalka Indonesia kuna sii jeedday dalka Singapore ayaa la waayay xiriirkeeda, sida ay sheegtay waaxda isku xirka duulimaadyada hawada ee dalka Indonisia, xilli ay 45-daqiiqo hawada ku jirtay

Diyaaraddani ayaa saarnaa rakaab tiradoodu dhan tahay 162-ruux oo la sheegay in tod-doba ka mid ah ay ahaayeen shaqaalihii diyaaradda, waxaana weli la’yahay saacado lasii la’yahay, lamana oga meel ay aadday.

Boqolaal qof oo ehellada rakaabka diyaaradda ka mid ah ayuu walaac aad u xooggan soo wajahay, waxaana la geeyay meel gaar ah oo garoonka dalka Singapore ka mid ah, kaasoo lagu waday inay diyaaraddu caga-dhigato.

Diyaaraddan oo tirsigeedu ahaa Airbus A320-200 ayaan illaa iyo hadda la ogeyn inay bur-burtay iyo in kale. Laakiin diyaaradaha dagaalka ee Indonesia ayaa ku jira baadi-goob ay ku raadinayaan diyaaraddan oo saakay aroortii ka duushay garoon ku yaalla dalka Indonisia.

 

Daafeet.Com