Qolaha Amaanka oo Xukuumada Federalka Ka Codsadey In Cadaalada La Hor Keeno Dadkii Ka Dambeeyey Qaraxii Ka Dhacay Xerada Xalane

0
30

securityGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeediyay in caddaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyay weerarkii Khamiisti lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in caddaaladda la hor geeyo dambiileyaasha, qaban-qaabiyeyaasha, maalgeliyeyaasha iyo kuwii kafaala qaaday weerarka argagixiso, wuxuuna dowladda ku boorriyay in la raaco waajibaadka ku cad sharciga caalamiga ah ee amniga khuseeya.

Golaha ayaa dhaleeceeyay weerarka, wuxuuna xusay inay ciidanka AMISOM u joogaan Soomaaliya inay dhinaca ammaanka ka taageeraan dowladda Soomaaliya ayna xoojiyaan ciidanka qaranka si loo ilaaliyo shacabka Soomaaliya, loona hirgeliyo dib-u-dhiska iyo xasilinta dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka, isagoo tilmaamay in ay sii wadi doonaan taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku siiyaan inay sii wadaan dedaalkooda ay ku hiigsanayaan nabadda iyo xasilloonida.

 

Daafeet.Com