Daawo… Jaaliyada Digil iyo Mirifle Atlanta oo Kulmay

6
84

Kulan balaaran oo ay ka qaybgaleen jaaliyada Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee magaalada Atlanta gobolka Georgia dalkan Maraykan ayaa waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 12/25/2014 ka dhacay isla magaaladan Atlanta.

Kulankan oo ahaa kulan loogu gogol xaarayay sidii dadka ku abtirsada Qawmiyada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan magaalada Atlanta ay u yeelan lahaayeen Urur mideeya isla markaana wax ka qabta baahida Qawmiyada gaar ahaan kuwooda ku nool gobolkan Georgia magaalooyinkiisa si gaar ahna caasimada magaaladan Atlanta.

Kulankan oo ay ka qaybgaleen waxgaradka Qawmiyada Digil iyo Mirifle ayaa waxaa lagu lafa guray guud ahaan sidii la isugu xiri lahaa qaybaha kala gedisan ee Jaaliyada iyo weliba sidii loosii wadi lahaa howlaha ku aadan isu soo ururinta Qawmiyada.

Guud ahaan waxgaradkii ka hadlay ayaa waxay hoosta ka xariiqeen in kulankan loo baahnaa inuu horay u qabsoomo hadana ay tahay weli waqti haboon in guud ahaan la mideeyo Jaaliyada si loo gaaro hadafka guud ee ah jaaliyad midaysan kuna qotonta wax qabad iyo weliba in aan wax la wadaagno ummad weynta Mareynkan oo aan qaybta ka nahay.

Kulanka intii uu sodcay ayaa waxaa lagu doortay gudi maamula Jaaliyada oo ka kooban Gudoomiye,Sedex gudoomiye xigeen iyo lix xubnood waxayna xilkan hayn doonaan mudo Sanad ah oo ka bilaabmi doonta maanta oo taariikhdu tahay 12/25/2014.

Gabagabadii kulanka waxaa soo xiray gudoomiyaha ladoortay iyo gudigii Sagaalka Xubnood ahaa iyagoo intabana sheegeen inay si hufan ugu shaqayn doonaan Jaaliyada isla markaana ay guntiga u xiran doonaan baadi goobka iyo isusoo dumida dhamaan dadka ku Abtirsada Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan gobolkan Georgia gaar ahaan magaalada Atlanta.

[slideshow_deploy id=’18356′]

6 COMMENTS

  1. AAD AYAAN UGA XUMAHAY
    IN AAD JOOR AAN JOOR AHAYN SHIRTAAN
    ADEER DAD JIRA MA TIHIDIIN EE HOTEELADA WAXBA CUNTADA HA KA DHAMAYNINA DAD WAX LAGA MAQLO MA WAX GOOYA MA TIHIDIIN CUN IN LA IDIN SIIYO KALIYA AYAAD ISUGU TIMAADEEN

  2. Marka hore waxaan u mahadcelinayaa ciddii soo qabanqaabisay oo dadkaan isugu geentay halkaan. Waxaan u maleynayaa in uu yahay shirkii iigu yaabka badnaa aan arko oona lagu farxo…waayo waxaan uga jeedaa meeshaan dad aan weligooda shirka imaan jirin oo hadda iiga muuqda..taasi waxay i tuseysaa in markaan la guuleystay…haddiiba dadkaan aan weligooda shirka imaan jirin oo hadda waqtigooda soo huray, kolley lacagtooda maba ogiyee…anigana waan idin ku garabtaaganahay meel kasta aan joogo.

  3. Guud ahaan waa idiin wada salaamayaa akhyaarta bogan sharafta leh ku xiran aad iyo aadna waa usoo dhoweeynayaa in dadku uu israaco waxna wada qabsado waxaana leeyahay guulaysta
    waxaa leeyahay ciid mooge alle haku fiyaaweeyo muslin aad tahaye waxa kugu dhacay waa cudur aad u xun Ilaahaan kuu tuugnay inuu ku caafiyo ee aamiin dheh si aad u bogsato.

  4. SOMALIA WAXAY KU JIRTAA DHAC BOOB IYO XOOG LAKALA XOOGO DHUL HANTI IYO MAAL IYO MOOL KALIYA MA IDINKA DM AYUUAA LAGA XOOGAA XAGEED U DHIMANAYSAAN
    MA CID LABA NAFLEH BAA JIRTA ADEER QAYLADIINA OO AAN LA GARANAYN WAX AAD KU OO YAYSAAN AYAA BASHKOW AAN IDAACADA TV GA IGA WAREERISAY MARKAA SIDAN ISU DHAAMA AYAAA IDIN LEE YAHAY
    DADKA KU SHIRAY HOTEELADA MAANTA AYAY TABEEN IN AY DHUL LAHAAN JIREEN AMA CUNTO AYAY U SOO DOONTEEN HOTELADA .
    WAAYO HAL URUR OO DM MA JIRO OO QURBAHA AH HALKA BEELAHA KALE AY 200 OO URUR AY KA LEEYIHIIN SIDA ururka qurbo jooga
    oo magaalo kasta oo qof ka joogo midbaa urur isu ah markaa 25sano hada ayay ku lee yihiiin waanu isu xiisoonay aybaad tihiin
    MARKAA BASHKA WAXAAN WAYDIINAYAA IMISA URUR OO DADKA DEGAANKA KA WARKHAYA AYAAD LEEDIHIIN
    ABAARBA KUMA DHACDEEN HADII AAD MAR HORE URUR YEELATAAN XAASIDIIN AYAAD U BADAN TIHIIN QOOMKII9 IYO 8 AYAAD TIHIIN EE QURAANKA LAGU SHEEGAY

  5. wax jaaliyad isugu timaaday malahan waxa meesha isugu imaaaday waa caloooshood ushaqeestiyaal rawa lacakta shariif sakiin uu kasoo qaatay beesha hawiye iney lacunaan rawa waaye marka waxa isu soo shaacbixinaayaaan waa halaidin arko si hadhoow meel laidinku soo hagaago oo inta yar sakiin uu soo tuuray ey idin soo gaarto oona lamuujiyo taageero lataraageeraayo sakiin xasan marka digil mar hore aa sac sac dhalay ahaa miriflena digilka waa kasii dambeeyaaba qufulka lagu xiro lacak furaha lagu furuna wa lacak markii aduunyada waan kasamirnay saaan uga samirnay halgamaa xasan maxamad nuur shaati gaduud mar hadii lawaayay qadyadii digil iyo mirifle saan uwaaynay waxa soo haray waa calooshood ushaqeestayaal waaye aabihii dhalayna waa jawaari caruurta kan ugu yarna waa abdifitaax geesey iyo shiini macalin nuuroww ma ogi hadii injineer yaanyuuroow waa nin culuse hadi baleen uu keeni doono misne aadan madoobe iyo xaabside iyo waa dayuus dayuus dhalay

  6. Waa idiin Wada salaamay….
    waxaa II muuqda dad meel wax u Wada Wada hadana Kala Wada…..yaabna ma lahane dadka hadankiisa dagaaladaa wax u dhi.een marka shalay ma ahee maanta beti halaga hadlo SI loo gaadho danaha shacabka.
    waxaa Ku datsanaa gala taageedho

Comments are closed.