Baarlamaanka oo Maanta Cod Aqlabiyad ah Ku Ansixiyey Reysulwasaraha Cusub

0
29

barlamanka-cusubKulankii Baarlamanka ee maanta lagu anxisixinayey reysulwasaaraha cusub ayaa waxaa soo xaadirey 224 xildhibaan waxaana shir gudoominayey  gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari, 218 ka mid ah xildhibaanadaa ayaa cod caqlabiyad ah ku ansixiyey reysulwasaraha cusub.

Kulanka ayaa waxaa khudbado kala duwan ka jeediyay madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo raysul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo weliba gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, kuwaasoo dhammaantoodba ugu hambalyeeyay mudeyaasha baarlamanka ansixintooda .

Raysul wasaaraha Madaxweeynaha ayaa si adag uga hadlay khilaafyada soo noqnoqda ee madaxda dowladda, iyadoo madaxweeyne Xasan Sheekh Max’uud uu baarlamanka hortiisa ka sheegay in uu si dhow ula shaqeyn doono raysul wasaaraha cusub ee dalka.

 

Daafeet.Com