Dowlada Federalka oo Soo Dhaweysey Go,aankii Golaha Amaanka Ay Xayiraada Kaga Qaadeen Sheekh Atam

0
43

sheekh atamDowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay uga saartay liiska cuna-qabateyntii horay u saarnayd hoggaamiyahii kooxda Al-shabaab ee Puntland, Sh. Maxamed Saciid (Atam) oo horay u shaaciyay inuu isaga baxay Al-shabaab.

Mustaf Sheekh Cali Dhuhulow oo ah sii hayaha xilka wasaaradda warfaafinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa yiri. “Dowladda Somalia waxay soo dhaweynaysaa go’aanka Golaha Ammaanka ay Sh. Atam uga saareen liiska cuna-qabateynta. Dowladda ayaa arrintan QM iyo waddamada xubnaha ka ah Golaha Ammaanka arrintan, si loogu guuleysto in xubnaha ka soo baxa Al-shabaab laga saaro liiska cuna-qabateynta ah ee ay ku jiraan.”

Sidoo kale, Dhuxuloow ayaa sheegay in tani ay tahay tallaabo weyn oo Atam kaliya aan ku ekaan doonin, balse dhammaan dadka nabadda jecel ay guul u tahay. Wuxuuna intaas ku daray in tallaabadan ay tahay habka uu caalamka isku raacsan-yahay oo lagu gaari karo nabad.

Sheekh Atom ayaana ka mid ahaa kuwii ka faa’iideystay cafiskaas, isagoo ballanqaaday inuu sii xoojin doono nabadda uuna tusaale u noqdo shaqsiyaadka weli Al-Shabaab ka tirsan ee doonaya inay qoryaha iska dhigaan nabadana qaataan.

 

Daafeet.Com