Shiinaha: Maqaalo Taxane Ah (Qormada Koowaad)

0
64

chinaQormadii Abdulkadir M. Abow:- Sida aay baahiyeen shirkado waaweyn oo dhinaca saxaafadda qaabilsan oo uu ka mid yahay wargeyska caanka ah ee Forbes, todobaadkii hore waddanka Shiinaha ayaa dhaqaalihiisa wuxuu noqday kan ugu weyn adduunka. Wuxuu dhaafay Mareykanka oo hore u ahaa wadanka dhaqaale ahaan ugu horeeya adduunka. Taas macnaha iyo saameynta aay yeelan doonto waa mid aan u wada joogno. Laakiin, waxaan rabaa in maalmaha iyo usbuucyada soo socdo aan idiin soo gudbiyo maqaalo dhowr ah oo taxane ah oo ku saabsan marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray wadankan oo leh taariikh fog.

Dadka Shiinaha ayaa lagu tilmaamaa in aay leeyihiin mid ka mid ah xadaaradaha ugu dhaadheer adduunka. Waxaa la heli karaa, oo qoran, diiwaan taariikheed, hab-maamul, canshuur-bixin tafatiran iyo tirakoob qoto-dheer oo kor u dhaafaya shan kun oo sanno. Laakiin, maqaaladan taxanaha ah waxay diiradda saarayaan Shiinaha Cusub (Xin Zhong Guo), Kaasoo ah laga soo bilaabo 1912 ilaa waqtigan xaadirka ah. Inkastoo mararka qaar aan dib u jaleeceyno dhaqamo iyo taariikho taas ka horeeyey, haddii aay naga caawinaayaan in aan si ka qoto dheer u fahamno xaaladaha iyo dhacdooyina Shiinaha Cusub.
Maqaalkan ugu horeeya waxaan kaga hadleynaa Imbaraadooriyaddii Qing oo ahayd boqortooyooyin taxan (dynasty). Waxaa xigi doona maqaal ku saabsan dagaalkii daroogada obyamka oo noqday bilowgii baaba’a Qing. Dowladdii Jamhuuriyadda Shiinaha ee uu madaxa ka ahaa Dr. Sun Yat-Sen maqaal ku saabsan ayaa xigi doona, ka dibna mid lagu lafa-gurayo xilligii dagaal oogayaasha (Jūnfá shídài ) 1916–1928, maqaalka ugu dambeeya wuxuu noqon dowladda waqtiga xaadirka ah ee soo bilaabatay Oktoobar 1, 1949 ee uu hogaaminaayey hogaamiyihii caanka ahaa ee Mudane Mao ZeDong.

Imbaraadooriyaddii Qing

Xukunkii imbraadooriyaddii Qing –waxaa loogu dhawaaqaa “jing” (1644 – 1912), ayaa ahayd boqortooyadii uu dambeysay ee ka talisa Shiinaha. Imbaraadooriyaddii ka horeysay waxaa la dhihi jiray Ming. Xukunka Qing wuxuu ka soo bilaabmay waqooyiga bari ee dhulka Shiinaha ee loo yaqaanay Manjuuriya iyadoo markii dambe uu ku faafay dhamaan wadanka iyo meelo ka baxsan sida Kuuriya iwm.
Boqortooyadii Ming waxay magaalo madaxdeeda ahayd Beijing. Bartamihii qarnigii 17aad ayaa waxaa ku bilowday kacdoon kaga yimid falaago beeraley ah oo uu hogaaminaayey Li Zicheng. 1644 waxay ku guuleysteen in aay qabsadaan Beijing. Xiligaas waxaa waqooyi bari ka jiray  imbraadooriyad cusub oo aay hogaanka u hayeen qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Manzu (English= Manchu) oo inta aay is habeeyeen ka takhalusay xukunkii boqortooyadii ka horeysay ee Ming.

Aasaaskii hore ee xukunka qolada laga tirada badan yahay ee Manzu waxaa lahaa hogaamiye caan noqday oo la oran jiray Nurchai 1616. Wuxuu ku guuleystay in uu aasaaso unugyo milatari habeysan oo isugu jira Manzu, Hanzu (Shiinaha qolada ugu tirada badan) iyo Mangooliyaan. Waxaa u muuqday dadkii wax-garadka ahaa in Nurchai uu leeyahay aragti fog iyo in uu rabo xukunka boqortooyada in uu la wareego. Nurchai ciidankiisa waxay ka saareen ciidamadii boqortooyada Ming gobolada waqooyi-bari waxayna bilaabeen in aay ku fidaan dhulal cusub.

Nurchai wiilkiisa siddeedaad Hong Taiji ayaa 1626 la wareegay hogaanka oo isna sii fidiyey xukunkii aabihiis. Shiino badan oo reer Han ah ayaa marba marka ka dambeysa xoog ama iskood ugu soo biirayey ciidamada Hong Taiji. Sidoo kale sarkaalo iyo askar ka tirsanaa boqortooyada Ming ayaa si is-daba-joog ah ayagana isu soo dhiibaayey. Markii muddo dhan toban sanno uu sii fidaayey dhulalka aay ka taliyaan Manzu ayuu Hong Taiji ku dhawaaqay imparaadooriyad la yiraahdo Qing 1643. Qing macnaheedu waa saafi.

Sida la og yahay Hong Taiji wuxuu si lama filaan ah  u dhintay Sitembar 1643 isagoo aan magacaabin qofka dhaxli doona. Waxaa hardanka qabashada xukunka safka hore uga jiray Hooge oo ahaa hogaamiyihii dhintay wiilkiisa ugu weyn iyo Dorgon oo ahaa walaalkiis. Laakiin, waxaa xukunka loo caleemo saaray wiil shan jir ah oo uu dhalay Hong Taiji oo la yiraahdo Fulin in uu noqdo Imbaraadoor Shunzhi. Waxaa maamulka boqortooyada sii hayey Dorgon ilaa uu ka qaangaarayo wiil yar.

1644 waxaa ku soo furmay imparaadoorkii Ming ee Beijing ka talinaayey kacdoon beeraley oo uu hor-boodaayey nin falaago ah oo la yiraahdo Li Zicheng, kaasoo ku guuleystay in uu xoog ku galo magaalada. Imparaadoorkii ugu dambeeyey ee xukunkii dheeraa taxanaha ee Ming Chongzhen markii uu ka war helay in la qabsanaayo magaalada wuxuu door biday in uu naftiisa ka takhaluso inta aan meesha loogu imaan ka hor.

Jeneraalkii hogaaminaayey ciidamada Ming ee laga qabsaday Beijing Wu Sangui, caro uu u qabo falaagada beeraleyda ah ee riday xukunkiisa darteed, ayaa wuxuu xiriir la sameeyey xukumadda cusub ee Qing ee ka dhisneyd waqooyi-bari kuna casuumay in aay soo galaan Beijing. Sidaas ayeey ciidankii reer Manzu ku soo galeen magaalo madaxda kuna jabiyeen falaagada Li Zicheng kuna qabsadeen Beijing, caasimadda wadanka, oo aay ka hirgeliyeen xukun dheer oo saddex qarni ka badan socday.

Qolada Manzu markii aay la wareegeen xukunka waxay bilaabeen in aay xiriir fiican la sameystaan Hanzu oo ah qowmiyadda ugu tirada badan isla markaana aay soo dhoweeyaan dhamaan saraakiishii boqortooyadii ka horeysay ee Ming – kuwii isa soo dhiibay.

Khaladkii ugu horeeyey ee aay galaan waxay ahayd markii aay ku amreen dhamaan ragga in aay xiirtaan foodda hore ee madaxa, timaha intooda kalena aay sii daayaan. Qaabkaas waxaa timaha u jaran jiray reer Manzu. Reer Hanzu waxay ku noqotay bahdil weeyna ka dhiidhiyeen iyagoo kala horyimid diidmo.
Inkastoo aay taas jirtay haddana boqortooyooyinkii kala duwanaa ee Qing waxay gaarsiiyeen xukunka iyo barwaaqada heer aanan hore oo arag. Dhinaca dhaqanka, wax-soo-saarka iyo ganacsigaba weey ku najaxeen ilaa laga gaaro bartamihii qarnigii 19aad.

Xukunkooda in uu baaba’o waxaa horseeday xurguftii iyaga iyo dowladda Ingiriiska ee caanka noqotay ee loo bixiyey dagaalkii daroogada obyamka. Dagaalkaas iyo saameyntiisa waxaan ku soo qaadan doonaa qormada soo socota hadduu Ilaah yiraahdo.

 

Waxaa qoray:
Abdulkadir M. Abow
abow@idirect.com