Dhegayso..Biimaal iyo Habargidir oo ku dagaalamay Shabeelaha hoose

3
785

maleeshiyoWaxaa daqiiqada ka hor soo gabagaboobay dagaal saacado qaatay oo u dhexeeyay maleeshiyaadka deegaanka ee beesha Biyomaal iyo Maleeshiyaadka duulaanka ku ah gobolka ee beesha Habargidir dagaalkan oo ahaa mid ay labad dhinacba khasaare ka soo gaartay ayaa waxaa hadana dhanka kale lagu soo waramayaa inuu Maleeshiyada deegaanku ay ku gacan sareeyeen dagaalka isla markaana ay la wareegeen goobihii lagu dagaalamay oo ay Buufoow Bacaad kow ka tahay.

Aroortii hore ee saaka saacada bariga Afrika kolkay ahayd 10:00 saac waabariga ayaa waxaa uu dagaal culus ku dhexmaray deegaanka Danada labadan maleeshiyo iyadoo ugu danbayna maleeshiyada deegaanku u suura gashay inay deegaanka ka saaraan Mooryaanta Habargidir oo gobolka ku jooga ciidamada Dowlada isla markaana dadka ku dilaya rasaasta loogu soo tabarucay ummadda Soomaaliyeed.

Mooryaantii ku jabtay dagaalkii Danada ayaa waxey galeen Deegaanka Buufoow waxaana isla markiiba ka daba tagay Ciidamada Deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aan waxba la iskula harin, Dagaal qaraar kadib waxaa mar kale Ciidamada Deegaanka usuura gashay in ay qabsadaan Koontaroolkii Buufoow Bacaad.

Deegaanka Buufoow oo maalmihii ugu dambeeyay lagu soo daad gureynayay Mooryaanta Habargidir iyo Maleeshiyaad kale oo ka tirsan Dowlada Federalka ayaa maanta xoog looga saaray, waxaana ilaa iyo hada aan la aqoon halka ay jaan iyo Cirib dhigeen Mooryaanta.

Dhanka kale maleeshiyaad ka tirsan dowladda Xasan Culusow oo garabsiinayey mooryaanta Habargidir ayaa saakey weerar ku soo qaaday cutubyo ka tirsan ciidamada deegaanka oo saldhig ku leh deegaanka Busley Daa’uud ee hoostagta deegaanka jiida Jannaale ee degmada Marka muddo kooban kadib ciidamada deegaanka ay Cagta mariyeen maleeshiyaadka isgarabsanayey.

Halkan ka dhegaysoAnaa kuu talaa

3 COMMENTS

  1. maasha Allah guul beesha biimaal waa la idinku ogaa inaad xaq u dirir tihiin dadna aadan duulaan ku aheyn oo aad dhulkiina difacaneysaa guul guul

  2. Maxaa been iyo riyo la isu sheegay. Ciidankii oo mooryaanta jebiyey kaddibna ka daba galay deegaanka kale. ciidanka Biimaal oo mooryaanta habargidir bursatay. Ciidanka deegaanka ayaa cagta mariyey bal arka waxa been la is daba tixay.

  3. Biyomaalow ayaa wexey cagta marisay hawaar gintir iyo abgaaloow waa qawiiladan wexey islayihiin haawiyah biimaaloow oo haawiyah afka ciida udaray waxaa ku xiga reer xamar oo hawar gintir bursanoyo biimaaloowne dhahaayo aroow iskadhaafa sacmadoow horta caaneheeda maxaa cadeeyey cibaara lee ahaa arree sambuus sedax geesood saxan lasaaray soor miyaa maya sambuuslee mo ohoo

Comments are closed.