Kalfadhigii Baarlamaanka ee Maanta Lagu Balansanaa oo Furmey

0
43

barlamanka-cusubKalfadhigii baarlamaanka ku balasanaa ayaa maanta si Nabad galyo ah ku Furmay,iyadoona Xildhibaanadii soo xaadiray Kulanka loo qeybiyay Mooshinka ka dhanka ah Xukumadda C/wali Sheikh Axmed Maxamed.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada ka soo horjeeda Mooshinka laga wado Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay sheegeen in Mooshinka aan Hoolka Baarlamaanka Xildhibaanada loogu qeybin,balse Xalay loo qeybiyay oo Saaka ay la soo fariistee Xarunta.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Hadal Kooban jeediyay ayaa sheegay in Mooshinka Xildhibaanada ay Fursad u haystaan in ay soo Aqriyaan Mudo Shan Maalin ah,waxaana sidoo kale Xarunta ka Biloowday Buuq iyo Qeylo.

Amaanka Xarunta ay ku shiraan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la soo dhoobay Ciidamada Amaanka.

 

Daafeet.Com