Kulan Looga Arinsanayey Nabadgelyada oo Lagu Qabtey Muqdisho

0
29

Xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan looga hadlay sidoo loo adkayn lahaa nabadgalyada.Kulanka waxaa shir gudoomiyay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), waxaana ka qaybgalay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo saraakiil ka tirsan ciidammada amniga.

Inta uu socday kulanka ayaa warbixinno laga dhageystay qaar katirsan saraakiisha ammaanka, waxaana la isla gartay in la dar-dar galiyo dadaallada nabadda ee caasimadda.

Kulanka oo toddobaadle ah ayaa looga hadlaa sidii loo horumarin lahaa nabadgalyada iyo amniga magaalada Muqdisho.

Wariye Cumar Xasan Khayre
Wariyaha daafeet.com ee Muqdisho