Dhegeyso: Warsaxaafadeed Kasoo baxay Xildhibaanadii Moshinka Ka Keeney Reysulwasaaraha

0
35

MooshinXildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee maanta Kulan ku yeshay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka loogu baahan yahay inuu dib u eego Xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka Dalka.

Waxay Sidoo kale Sheegeen in aysan aqbali doonin in Xildhibaano tiro yar ay hor istaagaan Fadhiyada Baarlamaanka waxayna Sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xarunta Golaha Shacabka dhexdeedalaga sameeyo buuq iyo foodo.

Shirkan Jaraaid ayaa waxaa ka hadley Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, Xildhibaan Xoosh Jibriil, Waxaana warsaxaafadeedka aqriyey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xildhiban Maareeye ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin wixii Maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka,Gudoonka Baarlamaankana ka codsaday in uu la xisaabtamo Xildhibaanada buuqa ku sameeyay Xarunta Golaha Shacabka.

 

Xildhibanadii moshinka keeney

 

Halkan hoose kaga dhegeyso mobilkada 

 

Xildhibanadii moshinka keeney mobil

 

Daafeet.Com