Dowlada Denmark oo Hikisey Shir Hordhac u Ahaa Shirka Dhici Doona 19 Bisha Novermber

0
46

denmarDowladda Denmark ayaa shaacisay in ay joojisay kulan hordhac u ahaa shirka 19-ka bishaan Somalia loogu qabanayo Copenhagen, kaasoo ay sheegtay xukuumadda Denmark in sababo amni loo hakiyay.

Kulanka la joojiyay ayaa la sheegay inuu dhexmari lahaa madaxda Soomaaliya iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed, kaasoo dhici lahaa 18-ka bishan.

Shirka Copenhagen ayaa oo muddo diyaarintiisa lagu howlanaa ayaa la sheegay inuu 19-ka bishan dhici doono, waxyaabaha looga hadli doonana ay ka mid yihiin; horumarinta, dib u dhiska, amniga, federaaleynta iyo sidii doorasho ay uga dhici lahayd Soomaaliya marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Si kastaba arintu ha ahaatee Denmark ayaa ilaa iyo hada wax faah faahin ah ka bixinin  sababaha ay u hakisay kulanka hordhaca ah ee loo qaban lahaa Somalida qubaha ku nool iyo madaxdooda.

Daafeet.Com