Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa Oo Maanta Ka Badbaadey Isku Dey Dil

1
46

dalxaaXildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa maanta ka badbaaday isku day dil loo lagu qaarijin lahaa, kaddib markii kooxo hubeysan ay ku weerareen meel ku dhow gurigiisa.

Mudanaha ayaa lagu weeraray degmada Xamar-jajab oo uu degnaa iyadoo goobjoogayaal ay sheegeen in kooxo hubeysan oo gaari wata ay rasaas aad u fara badan ku fureen gaariga mudanaha.

Kooxaha hubeysan ayaa la sheegay inay dileen darawalkiisii iyo askari ka md ahaa ilaaladiisa, iyadoo sidoo kalena la dhaawacay askar kale oo ilaalo u ahayd xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu ku wajahnaa xarunta baarlamaanka markii la weerarayay, iyadoo sannadkan dhowr xildhihbaan oo ay ku jirto Saadi Cali Warsame ay kooxo hubeysan siyaabo kala duwan ugu dileen Muqdisho.

Daafeet.Com

1 COMMENT

Comments are closed.