Sidee lagu Badbaadin Karaa Boobka iyo Kala Qeybinta Dhulka Koonfurgalbeed

5
62

koonfurgalbeedBismilaah alxamdu Lillah, wasalatu Wasalaam calaa Nabiyuna Muxamed. Ummada walba waxay leedahay Mabaadi aan marna ka tanaasuli karin, waayo Mabaadi`daas waa Lafdhabarta Jiritaankeeda. Maanta kama hadlayo Midnimada Soomaali weyn waayo taasi Dad Soomali nala ah, Dalkana naga dhaxeeya ayaa rabin, keliya u soo jeedaan Damacoodu weyn ee ku salaysan Qabyaalada Xun. Si ay u gaaraan Damacoodu waxay  kaashadaan Beesha Caalamka (Gumeysi Cusub) ayagoo Bulshada Soomaaliya Ku Mashquuliya Federaal iyo Maamul Goboleed oo aan dhisidoodu loo maraynin Wadada Sharciga iyo Rabitaanka Shacabka. Siyaasiyiinta iyo Shacabka diidan lugooyadooda Handadaad lagu hayo. Su`aasho waxay tahay ma Dhulkeena iyo Dadkeena ayaa Shisheeye Soomaali iyo Ajaanib isugu jira u deynaynaa, oo wixii raba ka samaysanayaan mise waa in la kaco oo qorshahaas la fashaliyo?

Qof walba oo Koonfurgalbeed ka soo jeeda waa inuu ogaadaa muhiimada Midnimadda Ummadda. Dadka dega dhulkan waa dad nabad, walaaltinimo iyo ixtiraam kuwada nool, kana dhexeeya Daaqa iyo Biyaha. Marna Dan uguma jirto in la kala qeybiyo, waxaa la kala qeybiyaa dad islaaynaya aan wada noolaan karin. Soomaali waxay ku maahmaahdaa Rag waa kufaa hadana wuu kacaa. Maamulkii Lixda Gobol ee Rabitaanka Shacabka ku imaadeey, dhisidiisana Waqti dheer iyo Xoolo badan lagu bixiyay, la aqoonsan waayay, balse laaluush lagu bixiyay burburintiisa, mid maqaarsaar ahna (kan 3da Gobol)  ummadda lagu mashquuliyay. Wadadii Saxda ah la diiday, laguna qosleey Siyaasiyiinta, Odoyaasha iyo Shacabka u guntaday dhisidda Maamulka koonfurgalbeed, intaas oo Lugooyo lagu sameeyay. Aniga marna ma qabo in la aamino kuwan ololaynaya Qaybinta Koonfurgalbeed iyo Maamul  Saddex Gobol. Waxaana soo jeedinayaa in  Halgankana  sii socdo. Odoyaasha iyo Siyaasiyiinta daacad u ah Qadiyadda Koonfurgalbeed, Ururadda Gudaha, kuwa Dibadda jooga iyo dhamaan Bulshada waa inay u soo jeedaan badbaadinta Ummada iyo Qadiyadda Koonfurgalbeed. 

Runtii Shirkan ka socda Baydhabo oo lagu dhisaayo Maamulka 3da Gobol waa fadeexad weyn in uu ku ka socdo Xaruunta Koonfurgalbeed. Dowladan liidato ee Beesha Caalamka iyo Amison  dabada ka riixaysa Qarashka iyo Ammaanka Shirkan bixinayso, dadka fikirkooda diidana u hanjabaysa, waa in laga cabsan qaab walbana laysku deyo sidii lagu Fashilin lahaa. Kuwa horboodaya Shirkan oo ku caan baxay Iibsiga Qadiyadda Shacabkooda waa dadka la qabtaa, ayagaa dareen beelay yaysan Shacabkeena ku ciyaarin. Wixii Maanta aan aqbalno Beri maa diidi karno. Halagu Tusaalo Qaato Lixdankii Markii Xoriyadda Qaadanay waxaa Gumaysiga naga dhaadhiciyeen in Soomaalida Kiilka Shanaad iyo Keenya qaab Wdahadal loogu soo biirin dooono Soomaali weyn, Maantana waan u jeednaa Kenya iyo Itoobiya Dhulkaas iyo dadkiisa ay la wareegeen, hadana ku dadaalayaan inay Juboyyinka ku darsadaan, Kuwii Dagaalkii 77kii ee Dowladdii Siyaad Barre Dagaal u qaaday, Wiilasheena d u dhintay una naafoobeen in Maanta la noo soo adeegsanayo laga dhaadhiciyay in Jubooyinka soo aadaan Maamul maqaarsaar ahna loo sameeyay, laguna yiri ana idin taageeraynaa, balse Ujeedka Dowladahan ah in Kheyraadka Deegaanadaas dhacaan.  Halkan waxan ka cadeeynayaa in Dadka dega Koonfurgalbeed Qabyaalad aqoonin, dariskooda walaalkoodu yahay nabad iyo isfahana kuwada noolyihiin. Kuwa Qaska ku haya Koonfurgalbeed qabiilkii rabaan haka soo jeedaan inay yihiin Shisheeye u adeegayaal iyo Calooshoodu u shaqaystayaal.

Aqristayaasha Sharafta leh maxay idinla tahay sida lagu badbaadin karo Qadiyadda Koonfurgalbeed?. Qayidda Koonfurgalbeed kuma koobna Maamulka Madoobe Nuunow, balse waa Mustaqbalka Dadka deegaanadaan ha ahaato Mid Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Dhaqanba. 

 

 

5 COMMENTS

  1. ani waxay ila tahay kani fedaral ma aha waayo gakacyo ayaa labo loo qeybiyey sidaa darteeda in aanu katanaasulin talaabo dhulkooda ah sida awged ani lixgobal khaladaba ila tahay waayo afmadow garbaharey celwaaq doolow burdhuuba hagar kismaayo dhoobley iyo lamid ah ayaga ma deqan sidaa darteeda lix iyo sedax midna yaa ladhisin hala dhiso inta aad leedihiin

  2. Sida lagu helo karo Koonfur Galbeed oo mideysan, waan Digil & Mirifle Xukunka Soomaaliya gacanta ku dhigaa ama xukun dalka qabtaa. Taasna maanta ayaa fursad loo haysta. Reer Koonfur Galbeed waxay cod buuxa ka heli karaan Qowmiyadda Dir iyo weliba beesha Shanaad.

    Si hawl yar ayey arrintan ku hir geli kartaa.

    Okisyoonkan ha laga faa’iidaysto.

  3. aad ayaan uga xumahay in aan maqlo arko fiiriyo umada koonfur galbeel oo lagu dul dheelaayo waxaan sabab u ah siyaasiyiin been iyo xaasid nimo ku shaqaysta
    oo ka soo jeeda tuulooyinka iyo degmooyinka dhulka koonfur galbeed iyo dadka degaanka ah oo aan aqoon lahayn iyo karti ay u tashadaan oo dagaal iskaga dhiciyaan cidii dulmiyaysa
    adeer waad aragteen in beelaha kale ay maamulo samaysteen oo aan la eegi Karin iska daa in hadal loola tagee

  4. Aniga waxa ku taliyaa dhammmaan walaalaha DM in taageeeran Shirka Maamulka logu Dhisaayo 3da Gobol, waayo in Maamul yeelano kaas oo xuquuqdeena soo celiya una doodo, wixii maqan dib ayaa loogu soo celinayaa. Kolay meel DM degan cid qaadi karto ma leh.

Comments are closed.