Madaxweynaha Dowlada Federalka oo Maanta Booqasho Ku Tegey Ceelbuur

0
24

XASAN SHIIKHMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweynaha Somalia oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia ayaa waxaa Ceelbuur kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee degmadaas ku sugan.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo la leeyihiin bulshada ku nool Ceelbuur iyo saraakiisha ciidamada, iyadoo lagu wado inuu fagaare kula hadlo shacabka Ceelbuur.

Booqashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu uu ku tago degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud tan iyo markii ay AMISOM iyo ciidamada dowladda kala wareegeen Al-shabaab oo muddo sanado ah ka talinaysay.

Daafeet.Com