Gudoomiyaha Barlamanka oo Seirra Leone Ka Codsadey Inaysan Ciidamadeeda Keenin Somaliya

1
23

jawariDowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah qoraal ugu dirtay dowladda Sierra Leone iyo ururka Midowga Afrika, kaas oo ay kaga dalbanayso inaan dalka la keeni karin ciidammo ka socda Sierra Leone oo ciidamadeedu ay qayb ka yihiin kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay oo Arbaco ahayd baarlamaanka Soomaaliya ka sheegay inay u direen Midowga Afrika iyo Sierra Leone codsi ah inaan la bedeli karin askarta Sierra Leone ee dalka ku sugan, si looga hortago in cudurka Ebola uu dalka soo galo.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inay walaac xooggan ka qabaan inuu cudurkan kaga yimaado dalalka uu ka dillaacay oo ay ka mid tahay Sierra Leone oo ay ciidamadoodu dalka ka howlgalaan.

Hadalka afhayeenka baarlamaanka ayaa imaanaya xillli ra’iisul wasaaraha oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho uu sheegay in xukuumaddu ay arrinta ku saabsan cudurka Ebola kala hadashay dalalka uu ka jiro ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. ” Ka CODSADEY” Allah Karim Allahayow Somali adiga uu maqan uu gargaar oo na Gacan qabo.
    Bal mesha aan maanta mareyno firiya Codsashada maxa aya tahay ma la dhihi karo miya (MA KENI KARTIIN CIDAMADINA SOMALIYA)

Comments are closed.