Wiil 18 Jir Ah oo Ay Alshabab Ku Fulisey Xukun Dhagax Dil Ah

0
29

alshababUrurka Al Shabaab ayaa Gobolka Shabeellaha hoose deegaan ka tirsan waxa ay ka fuliyeen xukun dhagax ku dil ah, kadib markii maxkamada Shabaab ee Shabeellaha hoose ay riday xukunkaasi.

Xukunkan ayaa  waxaa lagu riday Wiil lagu magacaabo Xasan Axmed Cali oo 18-sano jir ahaa wuxuuna ku eedeysnaa inuu kufsaday gabar lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud oo 28-sano jir ah.

Maxkamada Shabaab ayaa sheegtay in Xasan Axmed Cali maxkamada horteeda uu ku qirtey  falka uu geystay, sidaasi awgeedna maxkamada ay ku fulisay xukun dhagax dil ah, maadaama ninka falka inuu geystay lagu eedeeyay sida la sheegay uu lahaa reer.

Qaadiga maxkamada Shabaab ee Shabeellaha hoose ayaa ku dhawaaqay xukunka, isaga oo sheegay in tani ay tahay midii loo baahnaa, maadaama qofka dambiga galay ay haboon tahay in tallaabo laga qaado.

Daafeet.Com