Maxkamad Maanta La Saari Lahaa Milkiilaha Idaacada Shabele iyo Wariye Kale oo Maanta Dib Loo Dhigey

0
24

courtMaxkamada Gobolka Banaadir horteeda ayaa maanta la horkeeney milkiilaha idaacada shabeele C/malik Yusuf iyo wariye Axmed Cabdi, waxaana kiiska markii uu furmay xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu codsaday in dib loo dhigo dacwada, maadaama ay doonayaan inay keenaan cadeymo ku aadan eedeymaha loo heysto suxufiyiinta.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ka aqbalay codsiga ku aadan dib udhigista dacwada ee uu soo jeediyay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir.

Intaasi kadib ayaa waxaa saxaafada la hadlay mid kamid ah Abuukatayaasha u doodaayay Wariyeyaasha, wuxuuna sheegay in maxkamada ay ka codsadeen in Axmed Cabdi Xasan iyo C/maalik Yuusuf Maxamuud si damiin ah lagu siidaayay.

Balse waxaa shuruud looga dhigay siideesmada damiinta ee ragaasi in loo helo qof masuul ah oo lagala xisaabtamo hadii ay baxsadaan hadhoow ragaan.

Milkiilaha Idaacada Shabeelle iyo Axmed Cabdi Xasan oo ah suxufi Idaacadaasi ka shaqeeya, ayaa dib loogu celiyay Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho.

 
Daafeet.Com