Daawo Sawirda Xaflad Lagu Soo Dhaweynayo Qabsashada Xukuumadu Qabsatey Magalada Baraawe oo Xaley Lagu Qabtey Magalada Toronto

0
103

barawe4 (2)Xaflad aad u balaaran oo lagu soo dhaweynayo qabsashada ay xukuumada federalka qabsatey magalada bartaawe ayaa xaley lagu qabtey magalada toronto xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada reer baraawe ee ku dhaqan magalada toronto.

Xafladaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galey dadweyne aad u fara badan oo isugu jira dhamaan arurada bulshada ee ku dhaqan magalada toronto siyaasiyiin ,cululaamudiin, Haween, Odayaal iyo dhalinyaro.

Dhamaan dadkii ka hadley xafladan ayaa xukuumada waxaa ay u wada direen fariin taasoo aheyd in magalada baraawe ay u baahan tahay in wax badan loo qabto maadaama ay in mudo ah ay isku bedelayeen kooxo aan ka shaqeyneyn horumarka degmada.

Waxaa ay aad carabka ugu dhufteen in xukuumada looga baahan in ay magaladaas ay u magacowdo qof u dhashey degmada iyo in degmada laga helo nabad buuxda, in la dhiso isbitaaladii ay laheyd degmada iyo iskuulaadkii.

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa kaloo ay baaq u direen dhamaan shacabka kasoo jeeda degmada baraawe ee ku nool dunida dacaladeeda in ay gacan lixaad leh ka geystaan sidii loo soo celin lahaa bilicda magalada iyo ganacsigeeda.

barawe2 (1)

barawe2 (2)

barawe4 (1)

barawe4 (2)
Daafeet.Com