Xarunta ADC-da oo Maanta Lagu Doortey Gudoomiyaha Gobolka Bay iyo Midka Degmada

2
32

sanduqa dorashadaMunaasabad lagu dooranaayey Gudoomiyaasha Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhaba oo ay kasoo qaybgaleen Mas’uuliyiin ka socoday Golayaasha Maamulka KG  ee Lixda Gobol, Golayaasha Deegaanka iyo Dadweyne kale  ayaa waxaa ay kadhacday maanta  Xaruunta ADC ee Magaalada Baydhaba.

Waxaana  Golaha Deegaanka  Gobolka Baay halkaasi ku Doorteen  in uu noqdo Gudoomiyaha  Gobolka Baay Maxamed  Cali Aadan Qalinle halka Ku Xigeena ay u Doorteen  Maxamuud Salad Dadaw, waxaa kaloo isla goobtaasi lagu doortey in uu noqdo gudoomiyaha Degmada  Baydhaba Maxamed Cali Axmed, halka kuxigeena ay u Doorteen Mr. Liibaan Sheekh Shuceyb  .

Natiijada ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Malaaq Xasan Shure, Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Baay, Maxamed  Cali Aadan Qalinle ayaa isna dadka u Hanbalyeeyey.

Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Baydhaba ayaa waxay kusoo beegmeysaa xili ay kooxo sheegayey in ay maamul sameynayaan deegaanadaas  ku sugan yihiin magalada baydhaba.

Daafeet.Com

2 COMMENTS

  1. AWGUURIYO AWGUURIYO AWGUURIYO ayaan leeyahay soomaali meel walbo ay joogaan gaar ahaan Reer koonfur galbeed soomaliya.

Comments are closed.