Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada oo La Wareegey Deegaanka Mariin-guwaay

0
56

amisomSaraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlayay warbaahinta  Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

“Ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ayaa kala wareegay Al-shabaab deegaanno dhowr ah oo ay ka mid tahay Maryan-gubaay, xoogaggii Al-shabaab ee ku sugnaana intii aanay ciidanku gaarin ayay isaga baxeen,” ayay yiraahdeen sarakiishan ka tirsan milateriga Soomaaliya.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku wajahan yihiin degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee ay Al-shabaab ku leedahay gobolka Shabeellada Hoose.

Degmada Baraawe ayaa waxaa muddo toddobaad gudahood ay Al-shabaab ku dileen shan qof oo isugu jira afar dhallinyaro oo rag ah oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin iyo haweeney ay sheegeen inay isla guursatay mar keliya saddex nin oo aan is-geyn.

Daafeet.Com