Sir Culus..Qaabka awood qaybsiga Dowlad goboleedka KoonfurGalbeed

14
662

sirQoraal lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay shaqsi mas’uul ah diidayna in la shaaciyo magaciisa ayaa waxa uu sheegayaa qaabka guud ee ay beeluhu u qaybsan doonaan maamulka sedexda gobol ee Baay,Bakool iyo Shabeelaha hoose oo haatan si gaabis ah uga socda Baydhabo.

Warqadan aan helnay ayaa waxay ka timid xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana sidoo kale lagu sheegay qoraalkan inuu ogyahay Ra’isulwasaare Cabdiweli Sheekh Axmed waxayna ku socotay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khaalid Cumar Cali waxaana ku xusnaa inuu nuqul ka mid ah siiyo xubnaha gudiga Maamul u samaynta sedexda gobol kolka la gaaro wajiga sedexaad ee awood qaybsiga kaasi oo lagu sheegay qoraalka inuu furmi doono Oktoobar 18keeda 2014.

Qoraalkan oo ka koobnaa 5 warqadood ayaan helnay Afar ka mid ah waxaana si buuxda loogu qeexay qaabka ay beeluhu u kala heli doonaan jagooyinka oo loo qaybiyay A,B,C iyo D.
Qoraalka A ayaa waxa uu qeexayaa 11 jego halka qoraalka B-na uu si tiro ah uu u qaybinaayo xilal halka C-na lagu qeexay gudoomiyayaasha Gobolada iyo degmooyinka iyadoo qaybta D-na si cad loogu qoray awood qaysiga madaxda ciidamada.

Qaybta A ayaa waxaa ku qeexan 11 xil oo kala ah:

1-Madaxweyne(Digil iyo Mirifle)
2-Madaxweyne ku xigeen(Digil iyo Mirifle)
3-Gudoomiyaha Baarlamaanka(Digil iyo Mirifle)
4-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka(Digil iyo Mirifle)
5-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka(Dir)
6-Gudoomiyaha golaha dhaqanka(Digil iyo Mirifle)
7-Gudoomiye ku xigeenka koowaad(Hawiye)
8-Gudoomiye ku xigeenka labaad(Beesha Shanaad)
9-Gudoomiyaha Maxkamada sare(Digil iyo Mirifle)
10-Gudoomiye ku xigeenka Koowaad(Digil iyo Mirifle)
11-Gudoomiye ku xigeenka labaad(Daarood)

Qaybta B ayaa iyana waxaa ku cad awood qaybsi tiro ah oo u qaysan sida tan

1-Golaha Baarlamaanka waxa uu noqon doonaa 63 Xubnood waxaana loo wadaagi doonaa qaab deegaaneed iyadoo ay beeluhuna saamigoodu heli doonaan.
Gobolka Bakool waxay gobol ahaan u heleen 16 xubnood iyadoo 14 kamid ah ay ka imaan doonaan beelaha Digil iyo Mirifle labada soo hartayna ay yeelan doonaan beelaha Daarood.
Gobolka Baay waxa uu gobol ahaan u helay 22 Xubnood dhamaan waa wada Digil iyo Mirifle
Gobolka Shabeelaha hoose waxa uu gobol ahaan u helay 24 Beelahuna waxay u kala heleen 18 Digil iyo Mirifle Sedax beelaha Direed,Labo beesha Shanaad iyo Labo Hawiye.
Guud ahaana Xildhibaanada Baarlamaanka KoonfurGalbeed sedexda gobol waxay noqon doonaan oo ay beeluhu u kala heli doonaan sida tan 54 Digil iyo Mirifle,Sedex Dir,Labo Hawiye,Labo Daarood iyo Labo beesha Shanaad.

2-Golaha wasiiradu waxay noqon doonaan 18 wasiir 20 Wasiiro xigeen oo ay beeluhu u wadaagi doonaan 15 Digil iyo Mirifle,Hal beesha Shanaad,Hal beesha Dir iyo Hal beesha Hawiye iyadoo Wasiir ku xigeenaduna loo qaybiyay 15 Digil iyo Mirifle,labo Daarood,Hal Dir,Hal Hawiye iyo Hal beesha Shanaad.

3-Golaha guurtida waxa uu ka koobnaan doonaa 54 xubnood oo 4 xubnood ka mid ah ay noqon doonaan korjoogto aan lahayn awood codayn kumana cada qoraalka beelahaasi kuwa ay yihiin iyo magacyada beelaha codka leh toona.

4-Golaha Cadaalada waxaa kaliya ee qoraalku qorayo waa jiritaanka golaha madaxddiisa sare oo kaliya.

3-Qaybta C-da waxaa ku cad in maamulka uu ka kooban yahay Sedex gobol iyo 20 Degmo sidoo kalena waxaa ku cad in sedexda gudoomiye Gobol ay ka imaandoonaan Digil iyo Mirifle ayna yeelan doonaan ku xigeeno Afar ah mid kasta laba iyo tobanka ku xigeena ay Digil Mirifluhu yihiin 10 iyadoo labada hartayna ay kala leeyihiin beelaha Hawiye iyo Dir halka degmooyinka oo labaatan ahna 18 ka mid ah ay gudoomiyeyaal ka yihiin Digil iyo Mirifle halka hal degmo ay gudoomiye ka yihiin beelaha Direed midna Daarood.

4-Qaybta D oo ah qaybta ugu danbaysa ayaa guud ahaan inoo suura galin in aan helno.

Waxaa sidoo kale qoraalkan ku cad in Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha uu awood u leeyahay inuu meel mariyo qoraalkan.

 

 

Daafeet.Com

14 COMMENTS

  1. maxuma sida wax loo qebiyey lkn 6 gobol aya ka wanagsan laheyd mida kale nunow halogu dhigo madxweyne si iskugukeno 6 gobol ninkas waa dacad marka runta laga hadlo tan kale labada jaga lasiyey hawiye hawiye wanagsan baa kuwa xun noo shek gaaljeceyl iyo wacdaan dhib malahan waa walalahena lkn kuwa kale il goni ah halagu hayo faid malahan gacan bir ah halagu qabto xaran kunaxayasha mida kale besha biimaal haloo badiyo 3 wax jiro ma ahan waa halgamayal marka runta laga hadlo

  2. War heedhe miyaad ilowday k/galbeed state meelaha kaabeyaasha dhaqaalaha bad iyo beero inay tahay degaan Direed ? Maamulka k/galbeed wuxu idiin balan qaadi inaad kareysaneysaan xeryaha xamar oo xeryo kafiican ladinkaga dhisaayo dhulka barwaaqada ee dhoobeyda….

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hawiye maxaa noo keenay yaab waaye madeegaan ahaan ayey usoo galeen mise qori caaradiisa halakala cadeyo hadii qoricaaradiisa tahay meel ayaa lasaaraa waana laiska bixinaa hadii aytahay labada qof oo nala dagtana waan ogolnahay wixiikabdan waa xabad iyo qori caardiisa

  4. Waxaanrabilahaa
    inaanogaadogobaladadhexeiyo
    onscreen
    imisawaziirayaadigilmiriflekaah
    umalenmaayoinayjirto
    hadabadhankeenana
    kamajiridoonto

  5. waxaan maqli jiray ilaahow eelaay ha iga dhigin hadaad iga dhigtana aqli xumo iyo dawarsi iga kaal………………iney sidaasi eelaay hesho iska daayee iyada wax maheleysaa horta ma iswaydiiseen ninkaan iska riyooday alla ee laay riya xumaa

  6. asc , reer konfurgalbeed talo xumo waa tii qerkeena naga reebtaaye an ka faa,ideysano sidi ugu bixi laheyn daruufahan adag, kow 3gabool an sameysano ciidamo an dhisano kadibna kooxda kismayo an iska dhicino,, lix gabolaha ahay walee meel idin gey meyso ficil aya meel dad geeynaya

  7. asc bulshada gonfur glbed mamulka 3 gobol misene 6 da gobol wax inoo roon waxanu ku heshiino umbaa inoo roon mida kale howsha ugu horeyso uqawanaayo maamulka 3 da gobol waa inuu maxkamad soo taaga gudoomiya isku sheega gobalka shhoose cabdiqaadir siidii waaa in lagu xukumaa in ladaldalo mida beeshiisa hadey inuu axmad diiriye uu uadeego raaali kayihiin halaga ilaaliyo wax xil ah loo dhiibo

  8. DAROOD SAME

    SXB DAROOD waxa waye midgihii yameen DIGIL MIRIFLE aya nasab idinka dhigay iyo inad somalida so dhex gashan ,, kiis iska waalka hadad den waysan bada aya dhanka yamen uga talaabi doontan waxana dib ugu laabaneysan shaqadiina aheyd inad xoolaha qashan oo uusta daadisan sidii dhowrwaaygi, any waye JABARTI ISMACIL haka yaabin inad konfurta somali sal dhigato, keli ah waxa ku joogi kartan in wakil la idinka ahaado sidii MOragan shaati gaduud wakiilka uga aha , gabaalena bare masuulka ugu aha

  9. Kkkkkkk hadii aan u jawaabo doqontan magaca qabiil ka meeshaku sooqoratay misna is lafii can. Soomalidu waxay ku maah maah daa ciirtaadadha maa caydaada yaqaan midakale waalayaab nin magaca daarood sheeganaya oo beelaha Digil iyo mirifle uhanjabaya oo adoon aa khirasaman ah ayaala dhihikaraa marka bal wax hubso qud cur ayaad qabacsaney saaye

  10. waryaa digilku waa kuwii sida cunada loo cunno dharkana loo xerto baray awoowayaashaadii midgaha yamani ka soo erdhoobay waa taqaan xadaarada somaliya in digil ay ka timid

  11. sadbursiga Rerwin way so muqatay hadana. Bakool and cidna deganen ayaa helay 22 qof iyaddo shabeledah hoose oo kadabadan labada gobol ee rerwin ayaa heleysa 24 oo keliya. Tasi waa riyo. Shabeledah hoose ka midnoqoni meyso South West Somalia State. Ee wainaad cadalaad latimadaan adikale Qori ayaa idin karhorimani dona

  12. anigo ku hadlaya magaca ciidamada xaq u dirirka beesha biimaal dagaalada kula jirta mooryaanta dhulboobka kasoo boob tagay gobolada dhexe
    runtii waxaan dareemi karnaa ninka qoray warbixinta awood qeybsiga beelaha dega k/galbeed in uu yahay cadow daalim ah oo doonayo inuu iska horkeena beesha biimaal iyo walaalahooda gobolka isla degaan digil &mirifle .beesha biimaal dagaalka ay kula jirta.cadowga gobolka kusoo duulay waa xil ka saaran difaaca gobolka shabellada hoose beesha waxay aqoonsantahay beelaha digil .xintire . wacdaan shiiqaal gandarshe in ay yihiin beelaha gobolka shabellada hoose degan beesha biimaal dagaalka way sii wada.doonaan ilaa ay ka xaluufiyaan cadowga gobolka kusoo duulay kuna celin doonaaan g/dhexe

Comments are closed.