Daawo:- Madaxweynaha Dowlada Federlka oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtey kana warbixiyey safarkiisa

0
25

xasan sheekhMadaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tegay dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, kusoo dhaweeyay gudoomiyaha baarlamanka, R/wasaaraha , wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo dadweyne farabadan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka XDS qeybta salaan sharafta, wuxuuna madaxweyne Xasan Sheekh ka warbixiyay safarkii u ku tegay New-york iyo kulamadii kala duwanaa ee uu halkaasi uga qeybgalay.

Daafeet.Com