Barakac aad U Weyn oo Saaka Ka Bilowdey Buulo Mareer Iyo Baraawe

0
54

barakacBarakac aad u weyn ayaa laga soo sheegayaa Buulo mareer iyo Degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose, xilli saaka ciidamada huwanta ay ku dhaqaaqeen Buulo mareer iyo deegaano ka tirsan Gobalkaasi.

Dadka Buulo Mareer oo maalmahan cabsi xoogan dareemayay ayaa saaka si aad ah usii batey, ka dib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM la sheegay inay ku sugan yihiin meel 20-KM ujirta Buulo mareer.

Buulo Mareer iyo Baraawe waxa ay isku jiraan 80-Km, dadka shacabka ah ee barakaca sameynaya ayaa u cararaya deeganada ka fog Buulo mareer si ay uga nabadgalaan dhibaatada ka dhalan karta dagaalada.

Baraawe ayaa laga soo sheegayaa sidoo kale inuu ka biloowday barakac, inkastoo Saraakiil Shabaab ka tirsan dadka ay usheegayaan inay isdajiyaan oo aysan muujin wax cabsi ah.

 

Daafeet.Com