Alif Wax Ma Leh Iyo Wuu Leeyahay DigilMirifle Jawaari Ayay Ka Maqleen (Waa Maqaal Qiiro Leh)

8
37

jawariUmad taariikh soo jireen ah leh degaan aanan inaba muran geli Karinna ay wada degaan, lehna dhaqan iyo is ixtiraam Soomaali kale kula tartami karto aanay jirin waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara ama yoolka ay higsanayaan ishortaagi kara ayaan Maqaalkani qayb ka mid ah idinku soo bandhigayna taasi oo ah:

Waxaad xasuusataan muddo ku siman labo sanno ka hor ayay Beelaha DM iyo inta ay oodwadagta yihiin waxaa ay dhigteen gogol Maamul usameynta K/Galbeed ee Somaliya Madashaasi shirka lagu furayay waxaa goob jooge ka ahaa Jawaarey oo xilkiisa u weheliyey kusime Madaxweyne, wuxuuna goobtaasi ka jeediyey qudbad qiiro weyn ay gelisey inta wada degta lixda Gobol ee Darood iyo Hawiye ajanabi dabada ka riixaya looga maaro la’yahay.

Hadaba laba carable Jawaarey waxaa uu tolkiisa oo ay ixtiraam weyn u hayeen u sheegey hadal wanaagi kadib cidii lixdan gobol kala qaybisa wuxuu yiri ILAAHOW URUG KU RID!, dadweynihiina waxaa uu amrey iney AMIIN yiraahdaan.

Hadaba mas’uul waxaa u liita midka dadkiisa dhabarjabkooda ka shaqeeya taasina waxaa daliil u ah in Axmed Qalbi Madoowe Madaxweynaha Boobland kulankiisa muqdisho uu ka qayb galay Sedaxdii Bakiina Muqdisho kula kulmey ,waxaa intaasi kaba sii daran in Madaxweyne Madoobe Nuunow Soo carar Muqdisho imow lixda ayaanu aqoonsaneynaa inuu ku yiri maalinba maalinta xigta rajo been abuur ah u dhigayay ilaa uu ka helo Divide &Rule oo ah qayb ka mid ah Madoowe in heshiis la galo.

Sidoo kale waxaan shekeysi arimahan isku cakiran kala yeeshey Gudomiyaha Golaha Guurtida K/Galbeed Soomaaliya Mudane Malaaq Xasan Shure waxaan weydiiyey dhibatooyinka DM ee isdaba jooga ah lagu hayo halkuu kaga jiraaGudomiye jawarey.?

Mudane Xasan Shure waxaa uu yiri da’deydu waa ku dhowaad 90 (Sagaashan)weligey intaan qof bani aadam ah la balamay ma aanan uga bixin, talana waxaan marwalba ku shaqeyn jirey mid dadkeygu ila ogyihiin, waxaan moodayay Siyaasiga ugu weyn ee DM inuu yahay Jawaarey Cimrigiisana sidaa uma kala weynin saan aniga qabo haddii Aabe reer kii dhaan been ah u sheego dhibatadeeda ayay leedahay.

Waxaan ilaahay magaciisa ku marey inaan Taako dhul DM ay leeyihiin inaan tanasul ka sameeyo laakiin waxaan kuu sheegayaa in Jawaari uu Albaabka Lixda Gobol uu furey hadana madama siyaasiga noogu weyn uu yahay hadana saldanada DM ee dowlada awood qaybsiga ku dhisan inoo fadhiyo waxaan ka rabaa inuu Baydhabo imaado oo uu u sheego umaduu ku dhowaad Labo Sanno Lix ama geeri uu u sheegi jirey in garoonka kubada cagta Baydhabo hadana ugu sheego inaan DM Lix Gobol lahayn Sedax Gobol oo Habargidir ku jirto ay waxku lee yihiin, markuu arinkaasi umada u sheego ana markaasi ayaan hadli doona hadduu eebe iigu simo.

Sidoo kale wuxuu sheegey Gudoomiye Xasan Shure in har iyo habeen waxaanu qabanayno aanu isaga kala tashaneyney xataa dadkoo idil waxay isku racaan waxaan meel marsiin jirey fikirkiisa oo aan u maleynayay inuu yahay BADBAADIYAHA DALKA IYO DADKA DM.

Hadaba laba Carable Jawaarey waxaa uu wajiga soo siin la yahay Odayaashii Dhaqanka iyo dadyowga Reer Baydhabo waxaana uu ku tala jiraa in Maxishoode Cabdiweli Xiirane oo markale lagu wado inuu Baydhabbo Airporkeeda uu ka furo madasha agasiman ee wadata qofkii madaxweyne noqonlahaa oo Muqdisho horey ugu soo qaybsadeen.

Dhowr maalin kadib isna airport inuu ka hadlo uusan aragba umaduu qiyaaney.

Isku soo wada duub waxaan shaki ku jirin Cadaawada Jawaarey uu u hayo DM waxay u muuqataa qofkii waxka fasiri lahaa inuu mar hore geriyoodey.

 

Daafeet.Com

8 COMMENTS

  1. Allah Karim ASWT qofka aan afkisa iyo cayisha is lahayn asaga og siduu uu adabanayo ee ninkan danatina ka racda Koofur Galbeed Mamuul Dowladeedkeda 6 Gobol waa Must Insha Allah asaga lagalama tashanayo waa kanu galbayeey ku kale mooye. Isnaha Allah ninkastana wuxu galo iyo gudo malinba la xisabtami doona . VIVA shacabka gesiyiinta ah ee reer Baydhaba dida gumeysiga Cusub Gobanimone waa uu dhalasho.

  2. ALXAMDU LILLAH HADDII SHACABKA DIGIL & MIRIFLE AY ILA ARKEEN MUNAAFAQ JAWAARI INTA UUSAN DHIMANIN SI AAN LOO DHIHIN HOGAAMIYE DAACAD AH AYUU AHAA.

    ANAGA MAR HORE AYAAN OGEYNI IN JAWAARI UU YAHAY MUNAAFAQ DANEYSTE AHAA, BEENA KA SHEEGEY TACLIINTIISA IYO DARAJOOYINKA UU SHEEHTO, MAXAA YEELEY WUXUU AHAA MACALIN DUGSIYADA HOOSE OO KA SOO BAXEY DUGSIGII BBda EE LA ORAN JIREY MAJISTRAALE OO KA HOOSEEYEY HIGH SCHOOL.

    SHARCI WELIGIIS KUMA UUSAN SHAQEYNIN ISKABA DHAAF DASTUUR, WUXUUSE KU YIMID JAGADAAN KHAYAANO TAN UGU XUN EE UU KU SAMEEMEY DIGIL IYO MIRIFLE KA DIB MARKII UU UGA BAXEY BALLANTII AHAYD INEY U TARTAMAAN JAGADA MADAXWEYNE KELIYA, LAAKIN KHAA’IN JAWAARI AYAA HAWIYE HOOS KULA HESHIIYEY SIDAASNA KU QAATEY JAGADA AFHAYEENKA BAARLAMAANKA OO ILAA IYO HADDA MUKULAAL IYO DOOLI KALA GARAN LA’ ISKA DHAAF INUU DASTUUR QORO.

    MARKA WAA NASIIB DARRO SIDA MALAAQ SHURRE UU YIRI IN QOWMIYAD DHAN UU SIDAAS UGU BALLAN FURO, UNA KHAYAANO, LAAKIN WAXA UU SOO WADO AYAA KA DARAN, HADDII AAN LAGA TABAABUSHEYSANIN SI ACDNA LOOGA HORTAGIN MUNAAFAQ JAWAARI.

    • Anaga waxaan ku ba’ney waa waxaan oo kale pointing fingers at each other adiga if you are more intellectual than he is why don’t you fix the whole problem! teeda kale beydhaba waxaa kasocda waxyaaba badan oo wax ku tar leh sida badbaadi agoonta iyo dugsiyada quraanka aniga meeshaas ayuu focuskeyga saaranyahay ee intaan is xasdeyney oo aan isku sii jeedney ayaa nalaga hormarey HADAL BADAN HAAN MI BUUYOW!!!

  3. jawaari dadka umatalo yaawaaye hadiisa uu matalo digil iyo mirifle maaloogu yeero baydhabo ooo waxan meeshaan laga sheegaayo codiyaasha dhahaan hadaadan wax dan eh aadan uhaynin umada digil iyo mirifle kalsoonidii waanu kaala laawanay kursiga aad kufadhisana anagaa usoo tashaneyno oo haadaan ku deyno iyo hadii ruux kale aan keensanaba illeeee booska uu jooga umadaan ayuuu joogaaye

  4. ilaahaa mahad le waxaan aad shegeysaan oodhan iyo tuugada lasoo dirsaday, oodhan digil iyo mirif waa kakaaftoomikaraan hadii ay iskuduubnaanjirto laakin waxaa nasiibdara ah iyagaanba iskuduubneyn oo dhalinyaradooda isku aruurinkarin mowqifkoodana ku adkeesan karin, hadii ay taasi dhacdo hadal ka badan waayaraanaayaa tiinaana soconeysa, ee yela sidaas isku duubni muujiya si cadawgiina aad kaga adkaataan,

  5. DM.waa in aan udagaalana dhulkeena burwaqa sooranka ah, waa in aan la dhigaysan kuwa u shaqeyya cadowga,jawari waa nin dadkiisa ku hor fashilmey, marka asiga iyo kooxda uu ushaqeyo wa inaysan ko soo dign garoonka baydowa.codowga ha jowo insha alaah

  6. Abdirahman Muse:Cadaalad daro,sinaan la,aan,xurma daro dadkii u dhashey degaanka oo heerkaan la gaarsiiyey maxay idinlatahay dadweynow in ay siyaasadda noocaan ah ay dhali karto?qof kasta oo caqligiisa shaqeynaa wuu garan karaa meesha ay caga dhigi doonto

    Digilmirifle waa sadex ee waxaan leeyahay laba midkoot ha noqdo.mhd

Comments are closed.