Cali Khaliif Galeyr oo loo Doortey Madaxweynaha Khaatumo State

1
74

cali khaliifAyadoo xili dhaw lasoo soo gabagabowday doorashada madaxtinimada ee maamulka Khaatumo. Xildhibaan Cali Khaliif Galayr ayaa loo doortay madaxweynaha labaad ee Maamulka Khaatumo.

Doorashada waxaa ku tartamay labo murashax oo kaliya, kuwaas oo kala ahaa Cali Khaliif Galayr iyo madaxweynihii hore ee maamulka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indha-Sheel.

Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, iyagoo sheegay in Prof. Khaliif uu helay 21 cod, halka madaxweynihii hore uu helay 9 cod oo keliya.

Murashaxa laga guuleystey ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo, isagoo sheegay inuu si wanaagsan ula shaqeyn doono Ilaahna uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee uu dusha u ritey.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. Cali Khaliif Galayr, wuxu xukumaa hal tuulo oo la yiraahdo Saax-dheer, kuna taal xad-ka u dhaxeeyo Itoobiya iyo Soomaalilaand.

    Kolkaas yaan la buunbuunin ninkan nabad diidka ah.

Comments are closed.